Maamulka G/Banaadir Oo Ka Hadlay Saameynta Roobkii Ka Da'ay Muqdisho

0
Monday November 02, 2020 - 10:53:59 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 824
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka G/Banaadir Oo Ka Hadlay Saameynta Roobkii Ka Da'ay Muqdisho

    Waxaa uu sheegay in ilaa iyo hadda Maamulka Gobolka Banaadir uusan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa uu sheegay in ilaa iyo hadda Maamulka Gobolka Banaadir uusan




Xalay ayaa waxaa Magaalada muddo dhowr saacadood ah ka da’ay roob saameyn ballaaran ku yeeshay qoysas danyar ah oo ku nool degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir, iyada oo dadka qaar ay ka barakaceen Roobka.

 

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan inay jiraan qoysas danyar ah oo Roobka Guryahooda galay, isla markaana ay sababtay inay barakacaan si saameyn kale uusan ugu yeelan, waxaana sidoo kale uu Roobka xiray wadooyin muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho.

Guddoomiye kuxigeenka howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Eng Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in dadka Muqdisho uu saameyn ballaaran ku yeeshay roobkii xalay dhowrka saacadood ka da’ayay Magaalada Muqdisho.

 

Waxaa uu sheegay in ilaa iyo hadda Maamulka Gobolka Banaadir uusan soo gaarin khasaaro nafeed oo ka dhashay roobka marka laga reebo Guri ku yaalla degmada Howl-Wadaag oo dumay, balse aan wax khasaaro ah geysan, waxaana Bulshada wax heysanata uu ugu baaqay inay u gurmadaan dadka danyarta ah.

 

Marka uu Roobka ka da’o Magaalada muqdisho ayaa waxaa uu saameynta ugu daran ku yeeshaa Guryaha ay degan yihiin Qoysaska danta yar iyo wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho, kuwaas oo qaarkood horay u bur bursanaa.

 


Loading...
Loading...