Xildhibaanno Guurti ah oo kormeer xaqiiqo raadin ah ku tegay Awdal

0
Sunday November 01, 2020 - 21:04:16 in News by A. Asbaro
  • Visits: 944
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanno Guurti ah oo kormeer xaqiiqo raadin ah ku tegay Awdal

    kormeerka xildhibaannada golaha guurtidu Axaddii ku tageen Magaalada Boorama ayaa daarranaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kormeerka xildhibaannada golaha guurtidu Axaddii ku tageen Magaalada Boorama ayaa daarranaa

Hargeisa(HWN):-Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa kormeer ku tagay xarunta gobolka Awdal ee Boorama, iyaga oo soo kormeeray xarumo kala duwan oo dawli ah.



kormeerka xildhibaannada golaha guurtidu Axaddii ku tageen Magaalada Boorama ayaa daarranaa u kuur-galka xalaadda guud ee gobolka Awdal, waxayna booqdeen Cisbitaalka guud ee magaalada Boorama, halkaasoo ay warbixin kaga dhegeysteen Isu-duwaha Wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal Dr. Mustafe Muumin Muuse oo sheegay in xarumaha caafimaadka ee gobolku ay aad u wanaagsan yihiin isla markaana la gaadhsiiyay agabkii caafimaad ee ay u baahnaayeen ee la awoodi karayay, isaga oo uga mahad-celiyay mudanayaasha ka socday golaha guurtida Somaliland booqashadooda xaqiiqo raadinta ah.

Dhinaca kale, Xildhibaanadu waxa ay soo kormeereen xarunta shirkadda biyaha Shaaba ee waraabisa bulshada ku dhaqan magaalada Boorama halkaas oo ay warbixin kaga dhageysteen Aadan Maxamuud Hoorri oo ka tirsan mas’uuliyiinta shirkaddaas, kaasoo uga waramay xaalada wershada,tilmaamayna muhiimadda uu leeyahay si loo xaqiijiyo baahiyaha dhanka biyaha ee bulshada gobolkaasi in xildhibaanadu kuur-gal ku sameeyaan.

Xildhibaan Axmed Daahir Maxamuud Jirde oo ka mid ahaa mudaneyaashan oo gebgebadii kormeerkooda warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ujeedada socdaalkoodu uu ahaa inay soo kormeeraan xaaladda guud ee nabadgelyo iyo nololeed ee gobolka Awdal, isla markaana wax uga ogaan lahaayeen dhinacyada caafimaadka iyo biyaha ee gobolka.

Xildhibaan Jirde ayaa sheegay inay indhahooda ku soo arkeen bulshaduna ay u sheegtay wixii horumar iyo caqabad ah ee ka jiray gobolkaas, taasoo ay horgeyn doonaan Golahooda iyo Hay’addaha kale ee ay khusayso.

Loading...
Loading...