Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) Oo Ka Waramay Qisada Qoys Noloshoodu Iskaga Gudubtay Yeman Iyo Somaliland…Qaybtii 2aad

0
Wednesday April 24, 2019 - 19:40:51 in News by
  • Visits: 3298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) Oo Ka Waramay Qisada Qoys Noloshoodu Iskaga Gudubtay Yeman Iyo Somaliland…Qaybtii 2aad

    Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) Oo Ka Waramay Qisada Qoys Noloshoodu Iskaga Gudubtay Yeman Iyo Somaliland…Qaybtii 2aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) Oo Ka Waramay Qisada Qoys Noloshoodu Iskaga Gudubtay Yeman Iyo Somaliland…Qaybtii 2aad


Hargeysa(HWN):-Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) oo ka mid ah madax dhaqameedka somaliland ayaa si guud u soo bandhigay sheeko ka waramayso xaalada dalka taagan.

Image result for ugaas axmed cali mahdi


Ugaas Cali Mahdi oo qoraalka uu kaga waramay qisada sheekadan taabanaysa nolosha qoys iskaga gudbay Yeman iyo somaliland ayaa ku bilaabay sidan:-


Hooyo Idil markii Dalka la xoreeyay ee la soo noqday waxay Hanad ku soo qaaday Dameer kuna keentay goobtii Gurigeedu ka dumay oo dhulka lala simay.


Hooyo Idil iyo Dhaawaca(Hanad)ay sidato ma jirto Cid wax tartaa ama caawisaa oo sidaynu hore u soo sheegnay Saygeedii (Dhame) iyo Wiilkeedii curasna Daheeye ayaa dilay labana Dagaaladii xoraynta Dalka ayay u dhinteen ee Hanadna dhaawaca aan dhimasho waxba dhaamin yahay, labadeedii Habloodna haybti garan waa ayaa ka maqan.


Hooyo Idil Buul Caws ayay ka dhisatay kuna haysay Hanad goobtaa uu ka dumay Gurigeedii laguna dilay Odaygeedii iyo Wiilkeedii Curad. Hooyo Idil waxay maalintii u soo dawarsataa magaalada si ay ugu keento waxay ku qulaamiso Hanad oon dhimana noolayna.


Hooyo Idil, waxa iyana lama ilaawaan ah iyadoo maalintii dambe u timid Hanad oo Meel Cadceed ah la dhigay, Buul Cawskii oo la kala tuuray iyo halkii ay dagenayd oo Guri laga dhisayo.


Tana waa filanwaagii iyo anfariirkeedii seddexaad ee ku dhacay.


Hooyo Idil waxay kuuligii Guriga dhisayay ka codsatay inay Hanad meel hadh leh la dhigaan.Waxay ku tidhi oo waydiisay Nin ka mid ah kuwii Hanad la qaadayay, Aayo" Dhibta iyo xusuustu waa wax lay qoraye waana ila qoyse yaa halkan dhisanaya ee ii awood sheegtay ".Wuxuuna ugu jawaabay Guriga waxa dhisanaya oo Dhulka leh Ninka Waaxdan haysta ee Dawladda Hoose.


Hooyo Idil waxay waydiisay magaciisa


,wuxuuna ku yidh waxa la yidhaahdaa "Mudane/Daheeye" waa xildhibaane Dawladda ka tirsan oo Madax ah.


Hooyo Idil, umay sii dhegtaaginba Magaca loo sheegay oo dhibta haysa iyo halka Hanad yaalo ayaa kala weyn, waxayna timid Waaxdii loo tilmaamay iyadoo aan kalsooni ku qabin ogna inayna awoodi karin Dacwad balse ay Nafta kula waalaloobayso.


Hooyo Idil, markay Albaabkii Ninka Madaxda ah is soo hor taagtay, ayaa Mudane Daheeye oo Lacag badan tirsanaya ayaa is yidhi Islaantan dawarsanaysa wax Shilimo ah iska sii. Mudane Daheeye wuxuu la soo kacay sl/sh 500. Markii uu damcay inuu gacanta ka geliyo ayay labadoodiiba Indhoodu isku dhaceen, taas oo midna rumaysan waayay Indhihiisa iyo cidda hor taagan.


Waxa isla markiiba gartay Mudane Daheeye oo Lacagtii Dhulka kaga dhacday iyo Hooyo Idil oo iyan sidaas oo kale Dhulka ku dhacday iyadoo leh" Alla hooygaye ma hankaagihii halbawlaha i jaray halkana i dhigay ayaa Dhulkana haysta"


Mudane Daheeye, wuxuu qaatay go'aan deg-deg ah wuxuuna amar ku siiyay Ciidankii Ilaaladiisa ahaa inay Duqdan xidhaan, aroortii dembena isagooa la kaashaday Gudida Nabad geliyada ayaa Hooyo Idil loo taxaabay Jeelka Dumarka.


Hooyo Idil hadda waxay ugu xidhantahay Rumaan aan wakhti lahayn Mudane Daheeye waxana loo dhaadhiciyay Jeelka Gabiilay.


Iyadoo sida muuqata dhibaatooyinka haystaa noqdeen inay midba mid ku ilawdo ayaa Jeelka Gabiilay lagu soo tuuray oo intay meel cidla fadhiisatay oo ilmo dhamaysatay hadana Illahay tallo saaranaysa ayay istaaqfurulaa tidhi iyo Eebbe ayaan tallo saartay.


Mashaqada iyo jariimadda kale ee taagani waxay tahay, Ninkii Hanad oo aan cid iyo ciirsitoona lahayn lagana war qabin waxa lagaga yimid Geedkii ay Hooyo Idil dhigtay, mana aha Nin laxaad qaba hadala ka soo bixi karo ee waa Maydh Nool.


Ugu dambaynttii su'aalaha isweydiinta mudan ee u baahan jawaabta waxa ka mid ah:-


1- Hooyo Idil yaa gurmad ugu maqan?

2- Hooyo Idil yay ka dacwoon kartaa, yayse u dacwoon kartaa?

3- Hooyo Idil maxay u dhadhamayaan

labada Eray ee kala ah"Xoriyad"iyo "Dal".?

4- Hanad yuu u dhaawacmay? halkuuse maanta ku miyanyahay oo masiirkiisu yahay?

5- Dhibanaha iyo Dhibaha yaa u kala xaq qaadaya inta Eebe ka sokaysa?

6- Dhibanuhu intuu sidaa ku sii jiri karaa?

7- Dhibtani goorma ayay Hooyo Idil ka dhamaanaysaa?


Xusuus:


Waxa jiray Oday reer Saylac ah oo 60 jira ahaa oo ilaa intuu garaadsadayna tukan jiray oon Salaad Salaad ku dari jirin oo aan dhigi jirin Masalaha iyo Waysada.


Odaygii Habeenkii damabe ayuu wakhti hurddo-dakhar ah guure ku yimid Reerkiisii oo uu sahan ugu maqnaa, dabadeed Salaadii Subax ayaa waxa Ardaaga ka adimay Sheekh u soo hoyday Reerk, Odaygii isagoo daalan ayuu salaadii la tukaday sheekhii martida ahaa.


Markii ay salaama naqsadeen ayuu sheekhii ducaystay kuna celceliyay "Eebbow salaada naga aqbal",


Odayga Reer Saylac meeshaba sooma dhigan in Salaada laga aqbali waayo, wuxuuna ku yidhi, Sheekhow ma shaki baa ku jira aqbalaada Salaadeena?

Sheekhii ayaa ku yidh haa Akhwaan.


Odaygii wuxuu su'aal ku celiyay Sheekhee oo yidh," kuwii hore een soo tukan jiray iyana ma laga baqa qabaa inaan layga aqbalin, goormaase la ogaanayaa, mase dhamaanaysaa Salaadani?


Sheekhee wuxuu ugu jawaabay, Akhwaan waxa la ogaanayaa Maalinta xisaabta, mana dhamaato Salaadu ilaa intaad ka nooshahay


Oday ayaa intuu Masalihii iyo Waysadii midba meel ku tuuray yidhi , heeey, Aar wax dhamaad leh ayuu Rag ku dhintaa ee waxa tagga xun iga daay.


Haddaba, Hooyo Idil malooga baqo


qabaa inay labada Eray "Xoriyad" iyo "Dal". midba meel ku tuurto?


Hooyo Idil, sheekadeedu wali way furantahay..............................

Loading...
Loading...