Muuse Biixi Cabdi Oo La Filayo Inuu Isku-shaandhayn Sal Ballaadhan Ku Sameeyo Golihiisa Xukuumadda

0
Sunday November 01, 2020 - 19:31:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Cabdi Oo La Filayo Inuu Isku-shaandhayn Sal Ballaadhan Ku Sameeyo Golihiisa Xukuumadda

    Waxa kale oo uu Warku sheegayaa in Madaxwyene Biixi kordhin doono Tirada Golihiisa Wasiirrada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa kale oo uu Warku sheegayaa in Madaxwyene Biixi kordhin doono Tirada Golihiisa Wasiirrada

Hargeysa (HWN) – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu dhawaan sameeyo Isku-shaandhayn, Xil ka qaadis iyo Magacaabis Sal ballaadhan.



Ma jiro War Rasmiya oo arrintan ku saabsan, balse Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay dhawaan u buuxsamayaan saddexdii sanandood uu ku mashquulsan Isku-shaandhayn, Xil ka qaadis iyo Magacaabis si weyn loo wada sugayo.


Waxa uu Warku intaa ku darayaa in Madaxweynuhu uu xilka ka qaadi doono Wasiirro iyo Agaasimeyaal, isagoo beddelkoodana Magacaabi doono.


Sidoo kale wuxuu isku-shaandhayn ku samayn doonaa Wasiirrada iyo Agaasimeyaasha Hay’adaha Madax-bannaan ee Dawladda Somaliland.


Waxa kale oo uu Warku sheegayaa in Madaxwyene Biixi kordhin doono Tirada Golihiisa Wasiirrada oo hadda ka kooban 32 Xubnood, waxaana la filayaa inuu Golihiisa ku soo daro Wasiir ku-xigeeno cusub oo uu ku kordhin doono Wasaaradaha qaarkood.


Bulshada Somaliland ayaa muddadii uu Madaxweyne Biixi xilka hayey waxay Saadaaliyaan isku-shaandhaymo uu Madaxweynuhu samayn doono, laakiin badankoodu waxay ku soo idlaadaan isku beddel Masuuliyiin aad u kooban, iyadoo Bulshadu aad u dhaliisho tayada Golaha Xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Loading...
Loading...