Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Oo Xog-waran Ka Bixiyay Safar Uu Ku Tagay Dalka Check Republic

0
Sunday November 01, 2020 - 18:24:24 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Oo Xog-waran Ka Bixiyay Safar Uu Ku Tagay Dalka Check Republic

    Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Oo Xog-waran Ka Bixiyay Safar Uu Ku Tagay Dalka Check Republic

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Oo Xog-waran Ka Bixiyay Safar Uu Ku Tagay Dalka Check Republic


Hargeisa(HWN):-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa ka waramay safar uu dhawaan ku tagay dalka jamhuuriyadda Check Republic, kaasoo qaatay muddo toddobaad ah.


Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Liibaan Yuusuf Cismaan waxa uu sheegay inay kulamo la qaateen Madaxda Wasaaraddaha Difaaca, Beerraha, Caddaalada, Baarlamaanka, Madaxa Baanka dhexe ee dalkaas Check Republic iyo Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas, waxaannu sheegay inay dhawaan dalka iman doonnaan Wefti ka socda dalka Check Republic.
Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ee Somaliland Md. Liibaan Yuusuf Cismaan Oo Sheegay Doorka Shariifka Ah Ee Ay Masar Ka Qaadan Karto Ictiraaf Raadinta Somaliland. | Qorilugud News 24

"Lixdii bisha October ayaannu safar ugu baxnay dalka Check Republic, runtii dal cusub maaha oo marar badan ayaa Weftiyo innooga yimaadeen, innaganna Wasiirro ayaa tagay horraantii sanadkan, wasiirradaas waxa ka mid ahaa Wasiirka ganacsiga, Wasiirka Maal-gashiga iyo aniga oo ah Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda. Check republic waa dal aynu saaxiibbo nahay." Ayuu yidhi Wasiir Liibaan Yuusuf oo waraysi kooban siiyay Telefishanka Bulsho tv.

"Check Republic waa ku yaalla qaaradda Yurub, waa dal ka tirsannaa Midowgii soofiyeed ee burburay, markaa intii aannu dalkaas ku sugnayn waxaannu la kulanay Madax badan oo ay ugu horreeyaan Wasaaradda arrimaha dibadda, gaar ahaan Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda oo aniga dhigayga ah, markastana markaad dal booqannayso waxa xidhiidhka sameeya oo isku xidhka ugu wayn ah Wasaaradda arrimaha dibadda.

Runtii xog-waran dheer baannu yeelanay, waxaannu iska warsanay qaaradda africa iyo sida wax u socdaan. waxaannu u bandhignay siddii ay nooga caawin lahaayeen Midowga yurub mid dhaqaale iyo mid siyaasaddeed ba iyo siddii mustaqbalka la isku dhaafsan lahaa Xafiisyo dublamaasiyaddeed.
Waxa kale, oo uu la kulanay intii aanu joognay Check Republic Wasiir ku-xigeenka Caddaalada oo aannu kala hadalnay siddii ay Wasaaradda Caddalada Somaliland isku dhaafsan lahaayeen xagga aqoon iswaydaarsiga iyo siddii wixii khibrad la isku dhaafsan lahaa.

Waxa kale oo uu la kulanay Wasaaradda Beeraha, dalka Check Republic waa dal qani ku ah beerraha, runtii waxaannay ahayd meelaha aannu xoogga saaraynay, maaddaama dalkeennu dhul fiican oo wax beerista ku wanaagsan leeyahay, roob innagu filana aynu helno sanadkii, waxaannu booqanay jaamacadda Culluumta beeraha, waxaannay noo balanqaadeen inay deeq waxbarasho inna siin doonnaan oo Ardaydeenna cilmiga beeraha bartaa ay tagi doonnaan." Ayuu yidhi Wasiir Liibaan Yuusuf Cismaan
Loading...
Loading...