Xisaabtay Ku Qaataan, Xoogsiga Ha Waayaan, Xaaraan Ku Naaxyadaxafiiskooda Naga Xidha.
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
1-XAQ WAXAAN U LEENIYO,XOOLAHA INAGU QORAN,
XISAABTAY KU QAATAAN,XOOGSIGA HA WAAYAAN,
XAARAAN KU NAAXYADA,XAFIISYADA KA SOO XIDHA,
XASHIISHKAY KU BEEREEN,XERYAHOODA NAGA GUBA.
2-XARAGAAN U DHALANAYE,XAQIRAAD HA NAGU DEYIN,
XIDHIIDHKOODII GOYSAYE,XIDIDADOODA U WADA SIIBA,
XEELADAHOODA HOOSIYO,XAADHA XULUFADOODABA,
XANAAQYADA COLAADAHA,XURGUFAHAY KU CEESHAAN.
3-XAMAR HA U WAREEGAN,XARFAD BAY WADAAGAAN,
XAGENAN AAN KU SOCONO,LAGU XADO ADUUNYADA,
XEERKA QOOMA LUUDKIYO,XUMAAN BAY U JOOGAAN,
XORNIMADA DALKEENIYO,XURMAYNTIISA MA OGGOLA.
4-XEEDHADAADA QAADO,XAAWAAY GUUR RAGBAA YIDHI,
XAAJADAYDU II GO’AN,XAGAAN UGA WAREEGNABA,
XAGAL DAACIMAYNO,XAQ ALLAAN KU XIDHAN NAHAY,
XUJU WAANU DHAAFNO,XAASID NOOMA TAAG HELO.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!