Muuse Biixi Oo Gabay Soo Tiriyey Xidhiidhka La Filayo Inuu Dhex Maro Yuhuudda Iyo Somaliland

0
Sunday November 01, 2020 - 09:37:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Gabay Soo Tiriyey Xidhiidhka La Filayo Inuu Dhex Maro Yuhuudda Iyo Somaliland

    By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

1.     Ictiraafku gees uu jiroba waa'ugu gelaynaaye

2.     Gadaalna eegi maynoo horaa loo gundhinayaaye

3.     Golden Mayer dirkeediyo annagu waa gudboon nahaye

4.     Gurboodkii Hibroogaannu nahay oo la kala gooyey

5.     Sidii naloo gummaadaa iyaba loogu gooddiyaye

6.     Inta godolku uu taagan yahay gu'giyo xayskiisa

7.     Ee aanay gaagixin durbaba waa gujinaynaaye

8.     Waa is garabsanaynaa ciyoon labada geesoodba

9.     Waxaan Golis mataanaynaa buurihii Golane

10.                       Guban iyo waxaa la isku xidhi godadkii Raabiine

11.                       Waxa gogosha loo fidin Yuhuud gumaradoodiiye

12.                       Garbo siman ayaa reerahaba gibisha loo teedin

13.                       Gurina waaba lagu furi kurtood gurada loo deyrey

14.                       Geeskhkiyo waxaa wada xadrayn Goorin iyo Kaahin

15.                       Gacal iyo xigaalaa la noqon Gershom iyo David

16.                       Giddi Banii-Israa'iil dhexdaa la isu gelayaaye

17.                       Gabbanna mayno oo waxaanu nahay gacal walaaloobay

18.                       Soomaalaay annagu goosannee gorodda laalaadi

19.                       Ama gaasas noo soo diriyo guuto faqashtiiya

20.                       Ama guuxa oo qayliyoo nagu galaayuusa

21.                       Waxa goor dhow aad naga sugtaan golaha weegaaran!

 

 [email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...