Maxay Iska Metelaan Ciyaartan Iyo Qaabkii Ay Xaysimo Goolka Uga Dhalisay Daadmadheedh.

0
Sunday November 01, 2020 - 09:15:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Iska Metelaan Ciyaartan Iyo Qaabkii Ay Xaysimo Goolka Uga Dhalisay Daadmadheedh.

    W/Q Suxufi Maxamed Cirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Suxufi Maxamed Cirro

Kooxda dhallinyarada Gibraltar oo ciyaar heer caalami ah la yeelatay kooxda dhigooda ah ee Macedonia ayaa si degdeg ah u dhalisay goolkoodii barbaraha, kadib markii ay kooxda reer Mecadonia u dabaal-degayeen gool ay dhaliyeen waqtigii ciyaartu sii dhammaanaysay.



Xulka dhallinyarada Mecadonia oo helay fursad koone ayaa dhaliyey, waxayna ciyaartoygu u soo wada yaaceen dhinaca haafkooda (half) ee garoonka, iyagoo halkaas kula dabbaaldegay tababarahooda, ciyaartoygii kaydka fadhiyey iyo shaqaalihii kale ee la socdayba, kadibna ciyaartoyga Jasiiradda Gibraltar ayaa si degdeg ah kubbadda u soo dhigay dhexda garoonka (D-da), wayna isku taabteen kubbaddii, sidaas ayeyna ku dhaliyeen goolkii barbaraha, garsoorkii ciyaartuna si sharci ah ayuu u ansixiyey goolkaas ay dhaliyeen ciyaartoyga Gibraltar, maadaama ay kooxda Mecadonia ku dabbaal-degayeen dhinaca haafkooda ee garoonka.


Haddaba, kooxda Gobolka Xaysimo ayaa ciyaar ay maanta (Sabti, 31 October 2020) la yeesheen Gobolka Daadmadheedh waxay gool u dhaliyeen qaabkan oo kale, iyagoo ku andacooday in kooxda Daadmadheedh ay gool rikoodha ah oo ay dhaliyeen ugu dabbaal-degayeen dhinaca haafkooda, balse waxa ay garoonka ka baxeen markii garsoorihii ciyaartu diiday inuu ansixiyo goolkaas, waxayna ciyaartu ku dhammaatay Daadmadheedh 2: 1 Xaysimo, waxaana warka rasmiga ah laga sugayaa xidhiidhka Kubbadda cagta Somaliland iyo wasaaradda ciyaaraha, balse haddii ay dhab noqoto in ciyaartoyga Daadmadheedh ay dhammaantood ku dabbaal-degayeen dhinaca haafkooda waxa suurtogal in goolkaas sharci looga dhigo reer Xaysimo, iyadoo la eegayo shuruucda caalamiga ah

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...