'' La Soco Aduunka , Afawerqi Oo Suldaan Isu Cumaamadey ''.

0
Sunday November 01, 2020 - 09:08:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' La Soco Aduunka , Afawerqi Oo Suldaan Isu Cumaamadey ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Isayas Afwerqi wuxuu ku guulaystay in uu Ereteriya qasab iyo qori caaradii kagga gooyo Itoobiya oo uu ka dhigo wadan Madax banaan ka dib dagaal socdey muddo ku dhaw 30 sanadood .

 

Guushaas ka dib , wuxuu dagaal kale oo ku saabsan muran xuduud dhuleed la galay Itoobiya , waxaanu ku guulaystay in uu Maxkamadda Caalamiga ah ee Hugue horteedda hadana kagg adkaado Itoobiya oo dhulkii la isku hayay isagga loo xukumo .

 

20 sanadood oo uu godoon ku jirey oo jaararka iyo Aduunka badankiisu godoomiyey ka dib hadana wuxuu ku guulaystay in Itoobiya ogolaato in dhulkii loo xukumey laggu wareejiiyo .

 

Intaa ka dib , Ethopia gudaheedii maanta waa isku jiq , Adis ababa iyo Maqale fiintaa dhex miranaysa , labadda geesood ee is hayaana waxay kala jiidanayaan taageeradda Afawerqi , maxaa yaaley Afawerqi hadba dhinaca uu raaco ayaa culaysku u janjeedhsanayaa, maxaa yeeley , Tigreeggu hadii ay ka nabad galaan dhabar-jebin kagga timaada jahadaa way sii socon karaan , Adis ababa hadii ay hesho taageeradda Afewerqina horre ayay u socon kartaa .

 

Sidaa markay tahay , Abby Afawerqi wuxuu ergo ahaan ugu diray walaalkii Farmaajo oo uu risaalad usii dhiibey uu cid kale oo dhan ku aamini waayey , risaaladdaa kadib Afawerqi wuxuu yimi Adis ababa , dabeeto Tigreegiina wuxuu bilaabay in uu ku muusanaabo shucuubta Tigreegga ee ku nool Ereteriya oo ah qaybta ugu badan xukunkana gacanta ku haysa , iyagoo ku xoog xoogsaday in aan loo baahnayan in Tigreegga Itoobiya iyo kuwa Ereteriya oo ah dad isku dhiiga la iska hor keeno .

 

Si kastaba ha ahaatee , ninkii Isayas Afawerqi maanta wuxuu isu dhigay Suldaanka Geeska Afrika , isagga ayaana loo kala jiidanayaa sidii baryaha qaar Males sanawi loo kala jiidan jirey , la arkee in Hargaysana maalmo dhaw loo soo kala dhuunto .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...