Sharafta Iyo Karaamada Yaan Laga Qaadin Xisbiga Wadani .Xisbiga Waa Xisbi Qaran Xubinkastan Xor Bay U Tahay Shirarka Dalak.
Waxaan salamaay dhamaan akhristayaasha baraha bulshadda dalka gudihiisa iyo dibadiisaba jooga . Waxaan doonayaa inaan halkan wax yar ka qor oo
ku saabsan arrinnta Mr Duur oo lagu eedaynaayen inuu ka qayb
galay xafladii furintaanka wadada berbera -Togwajaale oo uu goob joog
ka ahaa ,ma garanayo in xisbiga wadani lagu soo casuumey iyo in kale
.Anigu waxaan ka ,mid ahay taageerayaasha xisbiga wadani ee dalka
dibadiisa jooga - Horta xisbiga waa xisbi qaran waxaan xaq loogu
leeyahay inuu ka qayb galo wixii shirar ah ee laga hadlaayo dalka
arimiihisa . haddii shir lagu soo casuumo waa in shirkaasi cid loo
,magcaabaa inta ay doonto tiradoodu ha ahaate.
Xisbiga magaciis yaan sharafta iyo karaamda laga qaadin wuxuu sitaa
magac weyn oo ah WADANI. Haddii ay nu nahay xisbi mucaarad wixii
dhaliila aynu sheego ,laakiin wixii dalka ku soo kordha aynu sheegno.
Beri ka maalin marka aad xukunka dalka aan qabsano saw tan oo kale la
kulmimeyno . Muuse ber buu tagayaa oo meesha ka uu bixin haddii sida
qaawan ee raga qaarkii u hadlayaa waxaa dhici doont inuu xisbigu kalla
furfiurmo oo uu Kulmiye iyo Muusaba iska joogaan. Duqmuratiuyada waa
inay ka bilaabantaa asxaabta dhexdeeda marka hore ,haddii ayse
tikaariyadu ahaato xisbig dhexdisa isaga oo aan meel gaadhin maxay noqon
doontaa marka ay dawlada dhistaan.waa in ay xor noqdaan xubnuhu
afkaarta iyo rayiyad ,hadii ay tahay qoraal iyo hadalba .
Waxaan ku soo koobayaa Mujaahidka Curi isku magacaabay waa inaan
xaal bixisaa soona baro ,maahmaahyada raga iyo dumarka ay kala
leeyihiin. Gudoomiyha anshaxa ee Cantar isaga ayaa u baahan in la
anshaxmariyo.
Ahmed Ismail
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...