Muuse Biixi Oo Tababar U Soo Xidhay Dufcaddii Koowaad Ee Layli Sarkaal, Derejooyinna Ku Taxay

0
Saturday October 31, 2020 - 18:50:04 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Tababar U Soo Xidhay Dufcaddii Koowaad Ee Layli Sarkaal, Derejooyinna Ku Taxay

    Muuse Biixi Oo Tababar U Soo Xidhay Dufcaddii Koowaad Ee Layli Sarkaal, Derejooyinna Ku Taxay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Tababar U Soo Xidhay Dufcaddii Koowaad Ee Layli Sarkaal, Derejooyinna Ku Taxay

Hargeisa(HWN):-Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay qalinjebinta dufcaddii koowaad ee Layli sarkaal oo markii ugu horraysay dalka gudihiisa lagu tababaray, taasoo maanta lagu qabtay dugsiga Cabdillaahi Askar ee Dararweyne.



Munaasibadda loogu fooladaynayey dufcadda koowaad ee layli sarkaal oo ahayd mid si weyn loo abaabulay, islamarkaana uu Muuse Biixi derejooyin cusub ku taxay dhallinyarada maanta qalinjebisay, ayaa waxa Muuse Biixi kala qayb-galay Guddoomiyaha golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax, Duuliye Sare Axmed Maxamed Xasan (Axmed dheere) xubno ka mid ah golaha Wasiirrada, Taliyayaasha kala duwan ee ciiddammada dalka, macallimiinta kulliyadda tababarka Cabdillaahi Askar, madax kala duwan oo ka socota Hay’adaha xukuumadda, saraakiisha cusub ee la layliyey iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo saraakiisha cusub ee dalka u soo baxday iyo waajibaadka horyaalla.

Taliyaha kulliyadda tababarka saraakiisha Cabdilaahi Askar gaashaanle sare Maxamuud Maxamed Sardheere iyo madaxa hoggaanka tababarka ciidanka qaranka sarreeyo guuto Axmed Cali Maxamed Tansaani oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay la soo mareen tababarka saraakiisha cusub ee maanta qalinjebisay, waxaanay caddeeyeen inay yihiin dhallinyaro dhinac walba ka dhisan, islamarkaana lagu aamini karo inay ka soo baxaan hawl kasta oo qaranku uga baahdo.


Taliyayaasha ciiddammada militeriga, Booliska, Asluubta iyo badda oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa bogaadiyey saraakiisha cusub ee dalka gudihiisa ku tababaratay, waxaana ay shaaciyeen in dufcaddani caddayn u tahay inuu qaranku isku fillaansho ka gaadhay dhinaca soo saaridda saraakiisha, iyaga oo saraakiisha aflaxdayna kula dardaarmay inay dhexda u xidhaan sidii ay qarankooda ugu shaqayn lahaayeen, ugana faa’iidayn lahaayeen aqoontii iyo tacabkii la geliyey, amniga qarankooda iyo ilaalinta nafta iyo maalka bulshadana il gaar ah ku eegaan.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa isaguna dhankiisa hambalyeeyey dhallinyarada saraakiisha ah ee dalka gudihiisa wax ku baratay, waxana uu sheegay inay saraakiishani maanta marag ka yihiin in qaranku isku fillaansho ka gaadhay dhinaca soo saaridda saraakiil cusub oo haatan ka hor dibadda loogu bixi jirey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, "Maanta waa maalin weyn oo jirriddaha loo adkeeyey awoodda Ciiddammada Somaliland oo isku fillaansho ka gaadhay tababaridda heer sarkaalnimo oo markii hore dalka dibaddiisa lagaga soo bixi jirey.”

Muuse Biixi oo tababarka u soo xidhay Saraakiisha da’da yar ee dalka wax ku baratay, ayaa ugu horrayn hambalyo iyo bogaadin u diray saraakiisha waxbarashada dhammaysatay, waxaana uu ku bogaadiyey samirkii iyo dhabar-adaygii ay halkan ku soo gaadheen, isaga oo ku boorriyey inay isu diyaariyaan inay xilka iyo waajibaadka fuulay gutaan oo ay majahara u qabtaan Ciiddammada kala duwan ee dalka, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,


"Idinka iyo kuwa idinka horreeya ee tobanka sano wax soo baranayey, ayaa ciidanka, qaranka, badda, Boolis, Asluub iyo Imigrayshin dhammaantood cidda xilkeedu fuulayaa waa idinka, waxan idinka rajaynayaa inaad xilkaas isu diyaarisaan oo qaranka halkii lasoo gaadhsiiyey ka qaaddaan oo aad waajibkiina si fiican u gudataan, dalka iyo dadkuna idin mahadiyo.”

Ugu dambayntii waxa uu Muuse Biixi derejooyin kala duwan ku taxay saraakiisha cusub ee layliga dhammaystay, isaga oo sidoo kalena derejooyin u xidhay saraakiil kale oo ka kala tirsan Ciiddammada kala duwan ee qaranka, kuwaas oo ku dallacay shuruucda kala duwan ee ciidamada dhexdooda derejooyinka lagu helo, isaga oo sidoo kalena abaalmarinno kala duwan guddoonsiiyey xubnihii ugu sarreeyey iyo kuwii ugu akhlaaqda wanaagsanaa muddadii ay kusoo jireen layliga sarkaalnimo, waxana uu xadhigga ka jaray xarunta dab-ridka ciidanka oo laga dhex bineeyey kulliyadda Cabdillaahi Askar.

Loading...
Loading...