Hambalyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Muj Muse Biixi Cabdi.
Marka hore
waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka
xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan
walaalayaal meel aad joogtaanba, idinku salaamaya salaanta islaamka, asalaamu
calaykum waraxmatu laaahi wabarakaatu.
Waxaan Allaha awoodda leh weydiisanayaa,inuu dhammaanteenba innaga yeelo kuwii
adduun iyo aakhiraba liibaana,khaatumadana kheyr ugu khatimo,amin.
Aan u daa dago dulucuda qoraalkan iyo ujeedada aan ugu holaday qalinka.Waxaan
hambalyo iyo ducaba aan u dirayaa madaxwenaha Jamhuuriyda Somaliland,Mujaahid
Muse Biixi Cabdi,sida gobanimada leh,ee isagoo ka wakiila shacabka
Somaliland,uu u maamuusay,u soo dhaweeyey,u karaameeyey, Biladda ugu sareysa
Qaranka Somaliland u guddoonsiiyey,Duuliye Axmed Maxamed Xasan,oo damiirkiisu
iyo dadnmadiisuba u ogolaan weyday inuu diyaarad ku duqeeyo shacabkii magaalada
Hargeysa,balse Duuliyayaashii la midka ahaa ay maanta gacmahooda dhiigu ka
gob'o laynayo,ka dib markay xasuuqeen shacab iyo maati aan waxba
galabsan,xisaabtii aakhirana sugayso.
Walaw aynaan Duuliye Axmed Maxamed Xasan,khatarta uu naftiisa galiyey & abaalkiisaba aynaan marnaba gudi karin,waxaan Allaha awooda leh uga baryayaa in maalinta la qatan yahay,ee loogu baahi badan yahay,uu miisaanka xasanaadka ugu daro,kana yeelo adoomada uu Rabbi raaliga ka noqdo,adduun & aakhiraba,amin. Taa waxaan ku lingixi lahaa,soona jeedinayaa,mar haddii aynu guri uu dego dalkeena Somaliland uga dhisanayno,aynu mushahar inta uu nool yahayna u qorno,oo walaalkeen nabadaa iyo nimcadaa uu Rabigeen Tabaaraka Watacaalaa inagu arsaaqay,ha inagula noolaado.
Halna aan hawada u mariyo Duuliye Axmed Maxamed Xasan.Magaca iyo
Geesinimadu,waata la kasbado maalinta xaaladu u dhaxeyso geeri iyo nolol,loona
kala baxo gacan ku dhiigle iyo Geesi xaq u dirira.Waxaad muujisay
Geesinimo,waxaad qaadatay go'aan adag,waxaanad kasbatay shucuurta &
quluubta shacabka Somaliland.Taariikda aan duugoobin ee dalka Jamhuuriyada
Somaliland,baal Dahaba ayaad kaga qoran tahay,meel walba oo shacabka Somalilandku
nool yihiina,waxaad agtooda ku leedahay magac,sharaf,karaamo,walaalkayo ayaanad
tahay.
Waxaan ku soo afmeerayaa qoraalkaygan kooban,hambalyo madaxweynaha Jamhuuriyada
Somaliland,Mujaahid Muse Biixi Cabdi,sida gobanimada leh ee uuu maamusay
Geesiga,Duuliye Axmed Maxamed Xasan,waxaanan soo jeedinayaa,mar haddii aynu
guri uu dego dalkeena Somaliland uga dhisanayno,aynu mushahar inta uu nool
yahayna u qorno,oo walaalkeen nabadaa iyo nimcadaa uu Rabigeen Tabaaraka
Watacaalaa inna siiyey,ha inagula noolaado.
Wabillahi Tawfiq,
Eng. Qoraa: Mohamed Ali Muse
(Farshaxan)
Senior Certified Network Specialist
| CNA | CCNA | MCP | FCNSA | A+ |
31 October,2020
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!