Wasiirkii Qorshayntu Muxuu Ka Yidhi In Xil Ka Qaadistiisa Lala Xidhiidhiyey Proff Axmed Ismaaciil Samatar
Hargeysa(HWN):-Wasiirkii hore ee wasaarada qorshaynta iyo horumarinta somaliland Cawaale Ibraahin Shirwac ayaa ka hadlay sida uu u arko xil ka qaadista uu madaxweyne Muuse Biixi ku sameeyey.
Wasiirkii hore ee qorshaynta oo maanta wareejiyey xilkii ayaa meesha ka saaray warar sheegayey inuu xilka ku waayey ka qayb galka munaasibad uu hargeysa ku qabtay Proff Axmed Ismaaciil Samatar.
Wasiirkii hore ee qorshaynta oo ugu horayn ka hadlaya xilka laga qaaday ayaa waxa uu yidhi "Waa maalin taariikhi ii ah inaan dhiibo xilkii aan hayey, xilkuna waa sunaha dawladnimada waana wareegto, wasiirnimadana laguma dhalan oo madaxweyne ayaa I magacaabay, waxaanan ku faraxsanahay inaan shaqada kaga tagayo inay tahay si karaamaysan oo qabtay wixii aan qaban karayey, waana laga yaabaa in marka aad wax qabanayso ay nidaamyada qaarkood ay wakhti u baahan yihiin si dhalkooda loo arko, iyada oo shaqooyinka qaarkood ay socdeen meel dhexe oo ay ku fiicnayd in midhaha la arko oo aan dhamaystiro hadana mudadaas aan joogay wax badan ayaan qabtay wasaarada oo heer fiican maraysana waan ka tagay.”ayuu yidhi ex wasiir cawaale oo la hadlay eryal.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay warar bulshadu isla dhexmaraysay oo sheegaya inuu xilka ku waayey ka dib markii lala xidhiidhiyey proff Axmed Ismaaciil samatar ku qabtay Hargeysa ayaa waxa uu yidhi "Dadku waxay leeyihiin anigu jawaab uma hayo oo bani aadamku boqol sababood ayey samayn karaan balse anigu waxaan qirayaa in madaxweynuhu marka uu xilka ii dhiibayey aanu shuruud igala galin balse ay shaqadu shuruud noo ahayd oo aan noqdo wasiir tusaale ah, markii madaxweynuhu xilka iga qaaday ka bacdi kulamadii aan yeelanay miyaa wax dhaliil ah oo shaqada ka arki jirtaa, madaxweynahana jawi wanaagsan ayaan ku kala tagnay.”
Ex wasiir Cawaale oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Aniguna ma qabo in arintaas xilka mana qabo in madaxweynuhu sidaas u dhaqmo waayo sanad iyo badh ayaanu soo wada shaqaynay oo waa qof arimahaas ka sareeya oo aragtidiisu wax kale ku mashquulsan tahay, habeen iyo maalinta madaxweynaha iyo dawlada waxbaa laga sheegi karaa, aniguna waxaan qabaa in madaxweynuhu jeclaystay inuu qof kale u dhiibo ka bacdina waanu is aragnay madaxweynaha oo halkaas waxba kuma jiraan.”
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland


0 





