Taabid Cabdi Oo Ka Hadlay Dhul Gariirka Ka Dhacay Turkiga

0
Saturday October 31, 2020 - 10:27:18 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 872
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taabid Cabdi Oo Ka Hadlay Dhul Gariirka Ka Dhacay Turkiga

    Taabid ayaa Alle uga baryay inuu u naxariisto dhammaantii dadkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taabid ayaa Alle uga baryay inuu u naxariisto dhammaantii dadkii




Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dhul-giriirkii xooganaa ee gelinkii dambe ee shalay ku dhuftay Gobolka Izmir ee dalka Turkiga.

 

Taabid Cabdi oo bartiisa Facebook Qoraal soo dhigay ayuu ku sheegay inuu murugada la qeybsanayo shacabka Turkiga gaar ahaan kuwa waxyeelada kasoo gaartay dhul-giriirkii Khasaaraha geystay eek a dhacay Gobolka Izmir.

Taabid ayaa Alle uga baryay inuu u naxariisto dhammaantii dadkii ku dhintay dhul-giriirka, waxaanakuwa dhaawacmay uu Alle u weydiiyay inuu Caafimaad deg deg ah, isagoona kuwa ku hanti beelay Musiibada Alle uga baryay badal ka kheyr badan.

 

"Naxariistii janno Allaha ka waraabiyo dadkii ku dhintay dhulgariirkii , sidoo kale caafimaad deg deg ah Allaha siiyo dhaawacyada, iyo in Eebe siiyo badal ka kheyr badan dhammaan waxyeeladii ay musiibada reebtay ee naf iyo maalba leh. Qalbiyadeena ayaa agtiina baaqi ku ah, Turkey waxaad inoo tihiin walaal aan abaalkooda marna ilaawi karin, garabkiina ayaan nahay marwalba” ayuu yiri Taabid Cabdi.

 

Ugu yaraan 12 ruux ayaa geeriyootay 522-qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii dhul gaririir cabirkiisu yahay 6.6 shalay ku dhuftay Gobolka Izmir ee dalka Turkiga.


Loading...
Loading...