Qorshaha Shanta Sano Ee Jaamacada Edna Oo La Soo Bandhigay Iyo Gudoomiye Proff Mixile Oo Ka Waramay

0
Wednesday April 24, 2019 - 19:12:23 in News by
  • Visits: 2157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorshaha Shanta Sano Ee Jaamacada Edna Oo La Soo Bandhigay Iyo Gudoomiye Proff Mixile Oo Ka Waramay

    Qorshaha Shanta Sano Ee Jaamacada Edna Oo La Soo Bandhigay Iyo Gudoomiye Proff Mixile Oo Ka Waramay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qorshaha Shanta Sano Ee Jaamacada Edna Oo La Soo Bandhigay Iyo Gudoomiye Proff Mixile Oo Ka Waramay


Hargeysa(HWN):-Maamulka sare ee jaamacada Edna ee magaalada Hargeysa ayaa maanta soo bandhigay qorshaha shanta sanadood ee u yaala kaas oo socon doona 2019 ilaa 2023.





Kulan lagu qabtay xarunta jaamacada Edna ayaa lagaga dhawaaqay in qorshahani uu yahay mid jaamacada u horseedaya inay tartan la gasho jaamacada geeska Afrika isla markaana kor loogu qaado heerka aqooneed ee ardayda iyo wanaajinta maamulka jaamacada.


Qorshaha shanta sano ee jaamacada Edna oo ay soo diyaariyeen Dr. Daniel Saifu oo ah la taliyaha gudoomiyaha jaamacada, labada gudoomiye ku xigeen ee jaamacada iyo labada agaasime ee jaamacadaasi, waxaana lagu soo bandhigay kulan ay ka soo qayb galeen maamulka jaamacada, macalimiinta, ardayda jaamacada iyo marti sharaf kale.






Gudoomiyaha jaamacada Edna Proff Maxamed Mixile Boqore oo ka hadlay kulankaasi ayaa ka waramay muhiimada uu qorshahani u leeyahay horumarinta jaamacada ee dhinaca aqoonta iyo maamulka.




Proff Mixile ayaa ku dheeraaday muhiimada ay maamulka jaamacadu siinayaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen tayada waxbarashada jaamacada iyo dhinaca maamulkaba si ay jaamacadu guulo waa weyn uga gaadho kaalina uga gasho jaamacada caalamka.


Halkan Ka Daawo Hadalkii Gudoomiye Proff Maxamed Mixile Boqore



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...