Cid Baan U Maqnayn, Ceelkawgu Dhacdee, Cadaalad Cawo, Looma Waayeen
Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim[A.S.C.W.R.W.B]
Tu khaas ahana bahda H/W iyo akhristayaasheeda.
1-CIIRSI BAANAY LAHAN,U CIIDMAAYEE,
CADAALAD CAWO,LOOMA WAAYEEN,
CIYAALKU CASARKAY,CARAABAANOO,
CARUURO CUN COOMIRAA YIMIDEEY.
2-CAARKOODA KUFSADAAN,CID REEBAYNO,
CARADEENII WACNAYD,COLBA GALAYEEY,
CAASIMADII WADANKA,CIDHIIDHI GASHO,
CASHIIRADIIBA LAGA CABSANAYAAYEEY.
3-CIIDANKII SOO QABTO,CAMALKOODI GUTEE,
CADAALAD SUGAN BAAN, CARADA JIRINO,
CADAHAA BISIL WAA LA,CALASHADAYOO,
CIIDAN BAAN U MAQNAYN,CEELKAW GALA.
4-CEEBTAABA KA DARAN,CADHADA EEBAHAYO,
CAADO IYO DHAQAN,CAYNKAN AAN NAHAY,
CAWAAQIB XUMAAN,CAGAHA LA GASHEEN,
CAADILOOW ALLAAHEENBA,CIDUUN BIXIN.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!