Muj Dhegaweyne Oo Madaxtooyada Ka Soo Muuqday

0
Friday October 30, 2020 - 10:38:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 978
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muj Dhegaweyne Oo Madaxtooyada Ka Soo Muuqday

    W/Q Suxufi Cabdiraxmaan Hiiraan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Suxufi Cabdiraxmaan Hiiraan

Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne),oo Kamid ah Saraakiishii SNM Waa Markii u Horeysay Ee Lagu Arko Aqalka Looga Arimiyo Somaliland (Xarunta Madaxtooyada) Tan iyo Intii Ka Dambeysay Markii Lagu Dhawaaqay Gooni Isutaaga Somaliland Sanadii 1991kii 18 Bishii Shanaad.

 

Dhagaweyne Wuxuu Caawa Sitoos ah uga Soo Dhex Muuqdaa Xarunta Madaxtooyada, oo Saaxiibkii Muuse Biixi Madaxweyne ka yahey Waxaana u Marag galaya in aanu Kasoo Daahirin, Madaxtooyada Marka laga soo Bilaabo Dawladii Allaahi Yarxam Cabdiraxmaan Axmed Cali, oo uu Mucaarid ku ahaa Allaahu Yarxam Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo iyadana lasoo Xero galin Kari Waayay Kadib Markii Marar Badan Marxuum Cigaal u Direy Saaxiibadii Madaxweyne Biixi, iyo Marxuum Dayib Gurey oo labaduba Wasiiro u Noqdey iyo Odoyaal badan oo Beeshooda ah, Sidoo kale Ibraahim Dhagaweyne Xukuumadii Madaxweyne Rayaale Mucaarid ayuu ku ahaa tii Ka Dambaysay ee Madaxweyne Siilaanyana Mucaarid ayuu ku ahaa mudo badan oo ku Beegan intii kadambaysay Shirweynihii 2aad ee Xisbiga Kulmiye 2008 iyo Wakhtiyadan Dambe ee uu Katirsanaa Madashii Wadatashiga Marar aanu Su,aal ka Weydiinay Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi Aad ayuu uga xanaaqi Jirey, isagoo odhan jirey. "annuu Miyaan Soo hadal qaadey Maxaad ii Weydiinaysaan”.

 

Inkastoo ay Rag Mudakar ah oo ay Madasha kawada tirsanaayeen, kula kaftami jireen in uu Hormood ka ahaa Aasaasayaashii Kooxdii Calancasta lagu Magacaabi jirey, ee Ay kawada Tirsanaayeen Xiligii SNM.

 

Sikasta oo ay Tahey, Waxa jira in Dad badani aaminsanaayeen, in Aamuuska Ibraahim Dhagaweyne ee Wakhtiga Xukuumadan uu Madaxweynaha ka yahey Saaxiibkii Muuse Biixi Cabdi ay Sabab u tahey, in ay Hoosta ka Heshiiyeen islamarkaana, uu Raali ka yahey Sikasta oo uu Hawshiisa Talada dalka u Wato iyadoo Khusuusan uga Duwan Sidii uu uga hadli Jirey Dhagaweyne Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo oo Marar badan Si adag igu Furtey dhaliilo badan oo Joogto ahna ugu Jeedin jirey, haddana Waxa Ay u Noqonaysaa Markii ugu Horeysay ee Lagu arko Madaxtooyada Somaliland isagoo, indhawaale Gadhwadeen ka ahaa Duuliyihii Axmed-Dheere ee Xaflada loogu qabtey Madaxtooyada.

 

W/Q Suxufi Cabdiraxmaan Hiiraan


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...