Wefti Ka Socda Ciidanka Ingiriiska Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Gaashaandhiga Iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka

0
Wednesday April 24, 2019 - 17:46:00 in News by
  • Visits: 4998
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefti Ka Socda Ciidanka Ingiriiska Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Gaashaandhiga Iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka

    Wefti Ka Socda Ciidanka Ingiriiska Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Gaashaandhiga Iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti Ka Socda Ciidanka Ingiriiska Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Gaashaandhiga Iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka

Hargeysa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga JSL Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid) oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Qaranka S/G Nuux Ismaaciil Taani, iyo Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaarada gaashaandhiga Maxamuud Cabdirisaaq, masuuliyiin ka kala socota hayada Axiom iyo taliska ciidanka Qaranka JSL ayaa qayb ka ahaa kulan kani ay yeesheen Sarkaalka Ugu Sareeya Ciidamada Ingriiska Ee Fadhigoodu Yahay Ethiopia Colonel Matt Munro, iyo Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid).

Kulan kani oo noqonaya kii ugu horeeyey ee ay wada yeeshaan wasiirka cusub ee waasaaradda Gaashaandhiga JSL oo Qaabilay Sarkaalka Ugu Sareeya Ciidamada Ingriiska Ee Fadhigoodu Yahay Ethiopia, ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka weyn iyo wada shaqaynta balaadhan ee ka dhexeeya dawlada ingriiska iyo Jamuuriyada Somaliland.

Geesta kale u jeedada ugu weyn ee kulankani ayaa ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa tayeynta iyo tababarada dhanka aqoonta ee ciidanka iyo wasaarada gaashaandhiga kaasi oo qayb laxaad leh ka qaadanaay dhisida aqooneed ee ciidanka Qaranka iyo hawl wadeenada wasaaradda gaashaaandhiga JSL.

Loading...
Loading...