Taliye Odawaa Oo Gaaray Dhuusamareeb

0
Thursday October 29, 2020 - 10:30:02 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1056
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Odawaa Oo Gaaray Dhuusamareeb

    Taliyaha Ciidanka Dalka ayaa markii uu gaaray Garoonka diyaaradaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Dalka ayaa markii uu gaaray Garoonka diyaaradaha




Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliya  Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayay ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

 

Ujeedka Taliye Odawaa ee Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid ku aadan dib u habeen lagu sameeynayo Ciidanka Xooga dalka iyo howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha  oo laga bilaabi doono deegaanada Galmudug.

Taliyaha Ciidanka Dalka ayaa markii uu gaaray Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka qeybta 21-aad iyo Saraakiil kale oo ku sugan halkaas.

 

Safarka Taliye Odawaa ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo dhawaan Dhuusamareeb uu socdaal ku gaaray Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, isagoo kulan kula qaatay Madaxda sare ee Galmudug.

 

Sidoo kale Taliye Xijaar ayaa shalay safar dhanka dhulka ku gaaray Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, isagoo safarkiisa yahay mid la xiriira amniga deegaanada Maamulka Galmudug iyo sahan ku aadan amniga Doorashada 202/2021.


Loading...
Loading...