Kabo Isma Dheera,Kor Haween Sidodaba. Kuweenu Waase Kala Kaan.

0
Thursday October 29, 2020 - 10:26:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kabo Isma Dheera,Kor Haween Sidodaba. Kuweenu Waase Kala Kaan.

    W/Q; Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q; Ismail Abdillahi Handuleh.

Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim[A.S.C.W.R.W.B]

Tu khaas ahana bahda H/W iyo akhristayaasheeda.

 

1-Karoone laagan haweenka,Kufsadeen la xidhayn,

   Korinayaan qarankeenii,Ka horjoogsan lahaana,

   Kariimkeenii ina uumay,Kitaabkiisan la laabayba,

   Kurto qaar jarilaayoo,Karbaashba laga dhaafay.

 

2-Karaahida dhalanaysa,Kuligeen waan aragnaayoo,

    Kudhac laynaga waaye,Kolkay doonto ha gaadhee,

    Kabo isma dheeray,Kor haween la sheegaaye,

   Kaalinkii ku yeeshoow,Karuurkeedi kuu yaal.

 

3-Kaltan dunidu weeyaan,kulayl iyo qaboobaha,

  Karanta iyo jiilaal,Kaynba tahay nasiibkeeda,

 Kasgaab baan ogsoonayn,Kaarkiyo xanuunko,

Kaftan bay u haystaan,Kor kuwaw kaleedhiyey.

 

4-Keenada ku taagiyo,Kibir keeniwaa sharafe,

   Kadlo laguma gaadhe,Kaadsaan ku odhanla,

  Kelidaa ha duuline,Kaasho waayo aragyada,

Kootadan ka daayoo, Kalsoonaan xilka u guda.

                     Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...