Ina Cumar Carte Sharciga Qabyaaladda Baa u fasaxaaya Imashadda Somaliland ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday October 29, 2020 - 10:17:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ina Cumar Carte Sharciga Qabyaaladda Baa u fasaxaaya Imashadda Somaliland ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Durbaan Adigu Tumo, Ama Nin Ku Xigaa Ha Kuu Tumo!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Durbaan Adigu Tumo, Ama Nin Ku Xigaa Ha Kuu Tumo!

    Waxan maalmahan aynu soo dhaafnay ka maqalaayey, war-baahanta iyo ummadda Reer Somaliland oo is weydii-naaya sharciga uu Ina Cumar Carte Ku yimi dalka, markaas baan anigu shakhsi ahaan is idhi, dadku tallaw miyey is yeel-yeelayaa misa waa ka dhab? Ilayn wax la garan waayo ama qarsoon mid-na maahee. Waa cadaan oo wax madmadaw ahi kuma jiraan, sababta loogu soo daayey in uu soo gallo Somaliland. Wxaxa-na ay tahay laba arimood oo is xambaarsan,



    (a) Aan kuu bilaabo'e. Ummadda qaar-kood baa is waydiinaaya, Ma waxa aynu weli ka tirsan nahay? Maamulka farmaajo uu xukumo ee "Al-shababland" Waayo haddii kale muu yimaadeen, loomana ogolaa-deen, Qof ka socdda, oo misna xildhi-baan ka ah waxa ay ku sheegaan DFS ( Waa Dawald ku sheegta fadaraalka Somalia'e).


    (b)  Mise Waa si kale oo inaga qaroon, waxa inoo keenay ruux aan aaminsa-nayn jiri-taanka Somaliland ( Waa Ina Cumar Cate'e). Sidee xaal u dhacayaa bay leeyihiin maskaa-kiinta lagu khaldaa maamul baa idiin dhisan dawladeed.

 

    Dadka qaar baa lagu maaweeliyaa Aabihii oo xanuunsa-naaya buu loogu ogolaaday in uu soo booqdo. Waxan leeyahay arin-kaasi maaha wax jira, ee xaqiiqdu waxa weeye, adeerkii " Raggii ma adigaa ka hadhay" baa sidda diiga ka dhex dhawaaqa " Xaafad-tooyadda" Taasina wax inaga dedan maaha, oo waan naqaanaa in kan waalan ee ku jira guriggii Moorgan " Waa raggii ma adigaa ka hadhaye" uu qabyaalad cadaan ah ku soo daayey, arinta-nina ku ugub maaha asakriga, ee waxa uu ku shaqays-taaba waa reernimo iyo qabyaalad badheedh ah, malaha waxad u haysa-taan sharci baa meesha ka jira'e. Jawaabta aan intaas sare oo dhan siinayaa waxa weeye, hadaad aqbalayso iyo haddii aad diidaysa-ba hoo waa tan xaajadda salkee-duye, hadaad waalanayso iyo hadaad ku miyirsanay-saoba:-


    (1) Waxa u banaynaaya in uu Ina Cumar Carte yimaado Somaliland, adoon meel dheer-ba ka doon-doonin, waxa weeye "Sharciga Qabyaaladda" iyo adeerkay baa meesha haysta, ee yaa ii diidi kara?

    (2) Dameero isku halayn bay hooya-dood dabadda uga nuugaane, wuxu leeyahay askarigu yaa u diidi kara, waa wiil aan adeer u ahaye.

 

    Akhristaw soo dhaaf intaas oo dhan, haddii aanay sidaas ahayn, Bal ha difaaco " Guul-Wade Cali Baqdaadi" Oo sabab kale ha u sheego ummadda, oo ha ka jawaabo su'aalahan soo socdda. Waxa dadkan hoos ku qoran loogu diiday in ay yimaadaan, oo weliba lagu xidh-xidho, tegista ama imashadda somaliland, Muxuu kaga duwan yahay kani kuwii hore ee loo diiday, weliba xadhiga loogu daray?


    Waxa loo diiday in ay u yimaadaan Hooya-dood oo xanuunsa-naysa, oo gebiley ku bugtay, kuna dhimatay aakhirkii.

    (1) Ahmed Ismail Samatar.

    (2) Abdi-Ismail Samatar oo isna walaal-kiis ah.

    ( 3) Nimco oo hooya-deed ay iyana ku xanuunsatay Hargeysa, xilla aan ka hayin "Al-shababland" Waa maamulka Farmaajo'e".

    (4) Xamda Queen oo ahayd inan fanaanad ah, oo bandhig faneed geysay, markii ay ka soo noqotay, Hargeysa bay laba bilood ugu xidhnayd tegista Xamar.

    ( 5) Hilaac yare, sidoo kale isna waxa lagu yidhi soo geli-maysid dalka, maadaama aad tagtay Xamar, aakhir-kiina wuxu u dhoofay dalka USA, ilaa imikana dal-kaas maraykanka jooga, lalana sugaayo in la xidho, haduu yimaado dalka inta uu askarigu hor boodaayo.

    (6) Kud-madaw ( Waa kaad tidhaahaan ( Buur madawe), isna Puntland buu tegay, oo waa tii la xidhay, hadal isaga baa iska badane.

    (7) Waxa la yidhi " Mayd yaa u dambeeyey? Iyo kaa la sii sido'e, Maanta-dan aynu joogno, waxa tegista Xamar lagu xidhay, oo jeelka ku jira ilaa hadda Fanaanka la yidhaaho " Qamar Suudaani" Wax uu ku xidhan yahay ee kale bal ii sheega, ilayn muran iyo isu hoos gelis looma baahnee.

 

    Waxan ku soo xidhay, maqaalkan, Horey Somalidu u tidhi " Durbaan adigu tumo ama nin ku xgaa ha kuu tumo'e" Ina Cumar Carte, adeerkii baa durbaanka u tumaaya".Bal kuwa difaacaaya, ee leh Aabihii oo ku liita Hargeysa buu u yimi-yaw, Maxay kaag duwan yihiin kuwii hore ee loogu diiday in ay soo eegaan waalid-kood? Waxa meesha yaalaa waa " Qabyaalad" Ee miyeynu ka yeelaa ama aan aqbali karnaa. kuwa sare ku yaala ee waalid-kood ku bukay, kuna geeriyoo-deen qaar-kood iyo fanaaniin-ba loo diid-ye, Sharciga markaas uu ku yimi miyaanu ahayn " Qabyaalad" Haddii aynaan indhaha iska soo ridayn? Yaa wax kale ii sheegaaya, oo aan ahayn waa " Isu Adeer" Maxaa runta uga gabanay-saan, ee aad mar-mar-siiyaha ugu waalanay-saan. waar ha la isu cadaysto, wax kale meesha ma yaalaane, ee Qabyaalad iyo aniga baa imika kursiga ku fadhiya aan ahayn. intaas mooyee ma wax kale baa jira? Maxaa la isugu humbaa-lanayaa, ilayn wax-ba inooma kala qarsoonee. waxan ku soo xidhay cadceed Sacab laguma qarin karo.

    * N.B Durbaan Adigu Tumo, Ama Nin Ku Xigaa Ha Kuu Tumo!

    Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...