Dimuqraadinimo, Dalkan Lagu Yaqaan, Kuwa Diidayiyo, Kii Doonayo U Dareerfod
SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA
1-DEKEDII BERBERA,WAXBA LAGAMA DIRO,
KAMA SOO DEGAAN,LAYSKAGA DAREER,
DAL DADKII LAHAA,DILAALIIN NOQDEEN,
DUBAY IIBSATOOY,DOOLAR SIISATUU,
MUUSE DABA SOCDAA,DOONDOONAYA.
2-DAABULIYO XAMAAL,WAYNA DEEQAYSAYE,
DAMACA WAA BELEE,SOTAN LAYGA DARAY,
WARSHADIHIII DABKIYO,DAARIHII DHAMAA,
DANTA GUUD AHAA,EE LA DABAR JARUU,
MUUSE DABA SOCDAA,DOON DOONAYAA.
3-DUGSIYDA HADHIYO,DABO QABO NAF LAHA,
DUUNYO WAY TAGTAYE,DISTOORKEENA IYO,
DIINTA AAMINOO,DADAAL MUUJI KALE,
MUUSOW WAA DAGAAL,CADAW DIGASHADI,
DOORASHADA QABOO,DAWLADNIMO YAGLEEL.
4-DIBAA LOO DHIGTOO,WAXAY DOONAYAAN,
DAWLADA HOOSE IYO,GOLAHAN DUUGA AHI,
INAY DURUGSADAAN,DIB INOO CESHAAN,
DOORKAAGAY RABAAN,INAY KAA DILAAN,
DOORASHANA LA GELIN,KA DIIDO U TOOS.
5-DANEEYEYAASHA IYO,DADKU WAA DIYAAR,
DIMUQRAADINIMO,DALKAN LAGU YAQAAN,
KUWA DIIDAYIYO,KII DOONAYO U DAREER FOD,
GAASHAANKAW DARUUR,OO DAMAL HADH GELI,
DEGENAANSHO IYO,DULQAADKEED,LAHAW.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!