Cawo Xariir, Waxay U Baahan Tahay Inay Caddaalad Hesho.

0
Wednesday October 28, 2020 - 10:07:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cawo Xariir, Waxay U Baahan Tahay Inay Caddaalad Hesho.

    W/Q: Yaasiin Beerqabooje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Yaasiin Beerqabooje

Cawo xariir oo ahayd gabadh yar oo Ka soo jeeday qoys danyar ah,kana mid ahayd carruurta lagu xannaaneeyo xarunta agoomaha magalaada hargaysa, oo kufsi wadareed qorshaysan loogu gaytay Isla xarunta agoomaha,ayey maxkamadda gobolka maroodi jeex ka soo saartay xukunno raqiis ah.



Kufsiga cawo yar loo gaystay ayaa ahaa, mid laga qariyay waalidkeeda,iyadoo maamulka xarunta agoomuhu Ka muquurtay dhibaatada inanta yar loo gaystay,waxaanay ahayd dhacdo la yaab Ku noqotay bulshada Somaliland.


Cawo yar, waxa kufsaday rag tiradoodu ahayd 7nin Isla markaana gadhsiiyay dhaawacyo Kala duwan oo isugu Jira kuwo maskaxaan ahaan iyo jidh ahaanba halis Ku ah nolosheeda,waxaana lagu qasbay inaanay sheegin waxyeelada soo gaadhay.


Shirqoolka waxa Ka qayb qaatay qaar Ka mid ah macalimiinta mas’uulka looga dhigay barbaarinta ubadka iyo korinta garaadkooda halka maamulkuna qaatay go’aan waxshinimo ah oo ay Ku qariyeen faldambiyeedka dhacay.


Maxkamadda gobolka maroodi jeex,ayaa 7dii eedaysane laba Ka mid ku xukuntay 3sanno oo xadhig ah,halka shantii kale ay maxkamaddu Ku xukuntay 6 billood oo ay dibadda Ku qaadanayaan.


Tallaabada maxkamaddu qaadatay waa go’aan  bahalnimo ah oo gacansaar la leh dambiilayaasha dhabarjabna Ku ah garsoorka jsl oo u muuqda dhaameel raac shillinku u muuqdo caddaaladii god madaw Ku riday.


Garsooraha xukunka Ka garnaqayey wuxuu ku tuntay xuquuqda uu qofka muwaadinka ahi u leeyahay inuu caddaalad helo,arrintanina waxay nusqaan Ku tahay garsoorkeenna oo baalmaray inay xeer ciqaabeed iyo xukun adag mariyaan kuwa Ka dambeeyay kufsiga cawo yar.


Go’aanka maxkamaddu Ku riday dambiilayaasha waa xaal mastuur caddaalad ahaan dhinac u janjeedha oo aad moodo inuu jiro xidhiidh Ka dhexeeya garsoorka iyo kuwa dambiga galay,dhiiri gelinna u ah in dambiyo noocan oo kale ahi dalka ka dhacaan.


Xarunta agoomaha magaaladda hargaysa,waxay noqotay  meel bahalo galeen ah oo tacadiyo iyo gabboodfalo dhallaanka yaryar loogu gaysto,iyadoo la filan Karo inay jiraan xadgudubyo noocan ahi inay Ka dhaceen muddooyin Kala duwan.


Waxaana la hilmaami Karin in faldambiyeedkan arxandarrada ay Ka midaysnayn ,dhammaan macalimiinta iyo maamulka xarunta agoomuhu ayna lagama maarmaan tahay in sharciga lala tiigsado,waa haddii la helo hay’addo sharci oo Ka madax bannaan eex iyo qaraabo kiil.


Waxa loo Baahan yahay in baadhitaan qotodheer lagu sameeyo,xarunta agoomaha magaaladda  hargaysa si loo xaqiijiyo inay jiraan dhibaatooyin intan Ka badan iyo cabudhin lagu hayo carruurta si aanay u sheegin dhibaatada ay deriska la yihiin.


W/q.yaasiin beerqabooje

Hargaysa/somaliland

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...