Booliska Somaliland Oo Abukar Qaadiid Ka Cayrshay Magaalada Laascaanood

0
Wednesday October 28, 2020 - 09:48:37 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 3102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Somaliland Oo Abukar Qaadiid Ka Cayrshay Magaalada Laascaanood

    Abukar Cawaale, oo doonayay in uu saaka oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abukar Cawaale, oo doonayay in uu saaka oo




Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa xalay magaalada Laascaanood mudda kooban ku xiray Abukar Cawaale Qaad-diid, oo u ololeeya joojinta Qaadka, kadib markii uu gelinkii dambe ee shalay gaaray halkaasi.

 

Abukar Cawaale, oo doonayay in uu saaka oo Arbaco ah gudaha Laascaanood ka bilaabo wacyi-gelin ku saabsan joojinta Qaadka, ayaa xalay Booliiska Somaliland ka qabteen hotel ku yaalla Laascaanood, inkastoo markii dambe ay sii daayeen.

 

Abukar Qaad-diid, ayaa isla xalay u soo gudbay dhinaca Puntland, waxaana uu haatan ku suganyahay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, oo uu shalay ka tegay ka hor inta aanu Laascaanood tegin.

Abuukar Cawaale oo ka soo jeeda Deegaanada Puntland, ayaa lagu tilmaamaa nin aaminsan Nabad&Nolol, oo inta badan ay Baraha bulshada ku qoraan dadka taageersan dowladda Madaxweyne Farmaajo.


Loading...
Loading...