'' Soomaaliddu Sidan Ha Isu Wada Dhaanto ''.

0
Wednesday October 28, 2020 - 09:42:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1049
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Soomaaliddu Sidan Ha Isu Wada Dhaanto ''.

    Ma jirto qayb Soomaalidda ka midda oo ka aqoon iyo aragti fiican qabta kale ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma jirto qayb Soomaalidda ka midda oo ka aqoon iyo aragti fiican qabta kale ,

 waayo hadii ay jirri lahayd  qayb qaybta kale dhaantaa qaybaha kale ayaa ku dayan lahaa .

 

Soomaalidda Mogdisho 60 sanadood bay Laba reer isku warwareejinayaan madaxwayne iyo raysal wasaare oo kolba qoladda hoosta marta ee raysal wasaaraha qaadataa waliba mucaaridaysaa qaybta dusha marta , markaasay hadana la meeraysanaayaan Soomaali baanu doonaynaynaa midnimadeeda iyo Soomaali baanu uruurinaynaa .

 

Waxaa ka yaab badan , Soomaalidda jigjiga ee ku jirta dalqo nibiri iyo uur libaax , ee ka kooban Soomaali guud ahaan ee hadana magacii soomaaliyeed u bixisay Ogaadeen , ee hadana Ogaadeenki 100 sanadood isu haysto Dhagax-buur iyo Qabri-tahare oo isku qoysa , iyagoo ay daawanayaan soomaalidii kale oo dhami .

 

Bal u fiirso reer cabdilhii shalay uun muxaafidka ahaa ee maanta Onlf noqdey ee qabri tahare ka qaylinaya iyo Reer Isaaqii Onlf darteed loo dabar-gooyey ee hadana maanta wada muxaafidka ah ee Onlf ka xanaaqaya calashaan madaxwaynaha awgii .

Bal eeg Soomalindtan 30 sanadod aan ictiraaf haysanin ee Isaaq qabyaalad nacasnimo ah iskula maraysanayo halkii ay aduunka wax ka dhacsan lahaayeen aqoonsigga yar ee ku raagayna raadsan lahaayeen ee if iyo aakhiraba ku seegtey xintanka iyo xinjiro-fajaaska aan macnaha lahayn .

 

Soomaali oo dhami sidaasey  u qaawan tahay markaasay hadana qaybiba qaybta kale la yaabaysaa iyadoo qaawanaan ku caayaysa iyadoo iyadub qaawan , Soomaaliuddu sidan ha isu wada dhaaanto.

 

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...