'' Somaliland Ciidan Badeed Xoogan Bay U Baahan Tahay ''.

0
Wednesday October 28, 2020 - 09:38:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 872
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Somaliland Ciidan Badeed Xoogan Bay U Baahan Tahay ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Wasaaradda gaashaandhiga ee wadanka Maraykanka ayaa sheegtey inay ansixisay in Taiwan lagga iibiyo gantaalaha difaaca xeebaha ( Harpon coastal defense system ) hubkaas oo qiimihiisu yahay 2.37 Bilyan , hubkaas oo ay soo saartay shirkadda hubka Beong , waxa kale oo hubkaa ka midda madaafiicda Artilerigga oo casri ah iyo  teknoolajiyadda laggu hago gantaalaha .



Dhinaca kale wasiirka arrimaha dabadda ee Shiinaha ayaa sheegey in ay cunaqabatayn kusoo rogeen sadex shirkadood oo ay ka mid tahay Beong labadeeda qaybeed oo hubka iyo diyaaradaha , laakiin faahfaahin kama bixinin nooca ay noqon doonto cunaqabatayntaasi .


Geesta kale , afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee maraykanka ayaa sheegey in Taiwan oo ah Goob Dimuqraadi ah , iskeedna isu maamushaa ay ku jirto cabsi joogto ah oo kaga imanaysa shiinaha sidaa darteedna ay hubka uga iibinayaan si ay isugu difaacdo .


Si kastaba ha ahaatee , Somaliland waxay la wadaagtaa Taiwan aqoonsi la aanta iyo halista joogtadda ah ee kaga imanaysa wadamada sheeganaya lahaanshahooda , sidaa darteed Taiwan oo dhisatay ciidan laggu tilmaamo kuwa ugu tababarka iyo teknoolajiaydda sareeya Aduunka , gaar ahaan  wadanka 26 ee ugu fiican aduunka marka la is barbar dhigo 138 ee haysta ciidamo macno leh , sidaa darteed waddanka aynu saaxiibka iyo isku duruufta nahay , Somaliland waxay uga baahantahay , dhismaha ciidan badeed casri ah oo kordhiya saamaynta ay Somaliland ku leedahay marinka Istaraajiga ah ee ay ku taalo isla markaana ay ku difaacato maslaxadaha badaha iyo xeebaheeda .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...