Kaan Ogaana May Hungureeyey ( Abdi-shotaly).
Ceebli waa ta afkii furatay, iyadda oo u jeedda Ina Dhixir Yare ( Waa Cali Bacaace), waxay tidhi " Ragu magaca guud iyo magta waa ka siman yahay, hamad baa ku wadda mudan, rabbi meel ma wadda marin, dumarna waw masahaa, oo waw soo muhadaan, meher baa loogu xidhaa, malooli aan wax ahayn " ilayn meel bay u dan leedahaye, waxay ku soo goysay " Midh subxaanle weeyee, Anna Cali Bacaac, baa mala-hayga igu maran". waana runteed oo akhristaw , mid waliba surwaal, shaadh iyo macawis wuu qaadan karaa, gadh-na wuu la bixi karaa, haduu sac-sac yahay, sumbo, saleeli, saqader, suuko ambanaysa, magtiisu waa 100 halaad, oo isaga iyo ninka raga ah cidi usgageed isama dheera, laakiin qaar baa ah sidda Geenyo shaaximan iyo Raggii ma adigaa ka hadhay ah, Waxan u soo qaatay hadaba intan yar ee sare inantu ku tilmaantay, wax kale maaha ee bal in ay duuni aakhri-sabaan tahay, oo aan Somalailand loo il-bixinayn " Geenyo Shaaximan ( Waa ka aad Ina Kahin ku sheeg-taane)" baa shalay waraaqo uu u soo dhiibtay askariga kale ee la yidhaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay", inta uu shir qabtay ka dhex badhaaciyey, iilayn kaas baa ku guura oo isagu mab'da iyo raganimo uu wax ku sheego ma laha'e, oo waa geenya-daas uu iska fuushan yahay ka kale ee waalaniye, malaha saaxiib maad moodaysaan, ee waa lagu shaqaystaa, waana lax dhukani abaar moog, laguma dhaamee dhaqaaq. Isaga oo ka hadlaaya wax uu ku sheegay qabsoomidda doorasho, wax uu ku magacaabay oo ururka askarta ee la yidhaaho kulmiye iyo faysal Zaadkii oo marka dan laga leeyahay " hooyoo-ku-go'dda loogu shubi Telefoonka Zaadka ah", wax ay soo malmaluuqeen uu meel isla soo taagay, ilayn waa loo soo qayb-siiyey, oo waa makarafoon uu garabka ku sito ( askariga meesha buuf-taamayaaye), siddii mid wax sheegaaya buu la sare kacay wadhadhac-diisii iyo dhataqla-nimadiisii, waayo ma garanaayo waxa uu akhriyaayo ee loo soo qorey.
Maskaxdda askartu waa tii aynu naqaanay uun, oo aan biyo is marin. waxay la shir yimaadeen iyaka iyo faysal Zaad, Gudidan imika hawsha ha sii wado, kuwa cusub ee la sameeyaana ha sii barteen, oo ha la shaqeeyeen, marka ay wax yari ka hadhaan, doorashadda iyaka oo yaqaan ha la wareegeen, oo kuwan hadda jooga uu wakhtigu ka dhamaado. Garaadka cayn-kaas ah baynu wax ka sugaynaa ma idin-la tahay? Ma kuwaas baa dal iyo dad hogaamin kara oo lagu haleeyaa? Waxan ku soo guntay maqaalkan sare ku qoran, horaa loo yidhi " hooyadaa nin liitaw haakah kuma tidhaaho, ee habaar iyo qamuunyey had iyo jeer la joogtaa. Geenyo shaaximan waynu naqaan wuxu yahay, oo farta baa uu wax ugu fiiqaa ka maskaxdda ka gumaystaa, dad badanina waxay yidhaaheen, siddii uu falka ugu qabtay siilaanyo, buu kana sixir saaray iska daba raq-raq-leh, oo wuxuun baad arkaysaa isaga daba socda " Raggii ma adigaa ka hadhay".
Ugu dambayn, Doorsho dhacaysaa ma jirto, hadaad qabataan iyo haddii kale mid-na cid ay dani ka ahysaa ma jirto, beenta aad kolba dhan u rog-rogay-saan, marna aad dafiray-saan, wixii aad shalay tidhaaheen, ummadani way ka soo hor iyo daba wareegtay. ee idinka (Waa askarta) iyo Faysal Zaad, bal aan eegno khiyaaliga aad isku maaweeli-naysaan halka ay idin dhigto.
N.B Ragu Magaca Guud Iyo Magta Waa Ka siman Yahay!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!