U Jeclanaanta Shacabka Somaliland Hogaamin Iyo Aragtiyo Cusub Iyo Rejada Laga Qabo In Ururadii Siyaasada Somaliland La Furo.

0
Wednesday October 28, 2020 - 09:20:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1000
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    U Jeclanaanta Shacabka Somaliland Hogaamin Iyo Aragtiyo Cusub Iyo Rejada Laga Qabo In Ururadii Siyaasada Somaliland La Furo.

    W/Q: Mohamed Abdi Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Abdi Jama
Guud ahaan shacabka Somaliland marka aad eegto una kuur-gasho wax ay ka mideysan yihiin waxaa kow ka ah rajo beelka axsaabta siyaasada Somaliland ee maanta iyo in aanay soo wadin yididiilo wanaagsan oo qarankani ku gaadhi karo hiigsigiisa.

Image


Waxa kale oo la isku waafaqsan yahay in axsaabta siyaasadu ay noqdeen meelo ay yeesheen shaqsiyaad halkii ay ka noqon lahaayeen axsaab siyaasadeed oo qaranku leeyahay oo aragtida iyo afkaarta gudahooga lagu soo shiilo , dimuqaradi ah , la yimaada barnaamijyo iyo qorsheyaal casri ah oo umada gaadhsiinaya horumar , isla markaana leh qaab dhismeed qaran oo qurxoon .


Marka aad eegto dadka danaynaya siyaasada 90% ka mid ahi kuma qanacsana nooca hogaamineed ee axsaabta siyaasada Somaliland ,  taasi oo la mid ah habka qaranka loo hagayo si uu u gaadho mustaqbalka horumar iyo meel wanaagsan ,  waxaana la isla qirsan yahay waxa shacbigu qabsaday mooyaane dawladnimadu in ay gaabis tahay.


Waxaa jira dareen mideysan oo la dhowrayo dhowaan in ururadii siyaasada lagu dhawaaqi doono hadii ay doorashada Somaliland ee soo socotaa noqoto mid isku sidkan oo goleyaasha deegaanka iyo wakiilada mar lawada qabanayo,  taasi oo ay farsamadeeda leeyihiin komishanka doorashooyinka qaranka jamhuuriyada Somaliland.


Hadii ay sidaasi dhici waydo waxa laga rabaa in ay umada Somaliland ku qanciyaan sababta , waayo waxa laga baqayaa in ururadii siyaasada furistoodii meesha ka baxo,  waa xaq siyaasadeed oo dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland Qod 22naad iyo 23naad u damaanad qaaday muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland , sidaasi oo kale waxa  si cad u qeexay Xeer No 14 oo sharaxaya qaabka ururada loo furanayo , mudo xileedka axsaabta iwm.


Arimahani dhamaantood hadii aan maanta la sii lafo gurin waa halka uu Somaliland ka iman doono murug siyaasadeed iyo mid sharci marka la gaadho sanadka 2022 oo ay kaga eeg tahay axsaabta siyaasada Somaliland mudo xileedkoodu,  sidaasi oo kalena ay tahay xiligii la qaban lahaa tartanka ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland,  iyada oo uu Xeer No 14 sheegayo in 6 bilood ka hor wakhtiga doorashada lagu dhawaaqo furistii ururada siyaasada , si la isku habeeyo oo loogu diyaar garoobo tartanka.


Muxamed Dhimbiil

W/Q: Mohamed Abdi Jama 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...