Muxuu Dhaqaalaha Turkiga Aad Hoos Ugu Dhacay?

0
Wednesday October 28, 2020 - 08:51:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Dhaqaalaha Turkiga Aad Hoos Ugu Dhacay?

    'Suuqa uu waalac ku reebay xiriirka sii xumaaya ee Turkiga iyo Faransiiska"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

'Suuqa uu waalac ku reebay xiriirka sii xumaaya ee Turkiga iyo Faransiiska"

Lacagta Turkiga ee Lira ayaa hoos u dhac ku yimid xilli malgashatada ay walaac ka muujinayaan dhaqaalaha Turkiga kaddib saameynta feyraska Koroona iyo xiisadda ka dhex taagan dalalka ka tirsan gaashaan buurta Nato.



Madaxweyne Erdogan wuxuu u muuqdaa in uu u carooday Faransiiska, Mareykanka iyo dalal kale.

Dadka falanqeeya dhaqaalaha dalkan waxay walaac ka muujinayaa heerka sicir bararka oo boqolkiiba 11.7 gaaray bishii lasoo dhaafay- xilli Bangiga Dhexe ee Turkiga uu diiday in uu sare u qaado heerka dulsaarka lacagaha deynta ah si loo xoojiyo qiimaha lacagta Lira oo uu hoos u dhac ku yimid.


Faragelinta Erdogan uu ka wado Libya, Suuriya, agagaarka Qubrus iyo dagaalka Armenia iyo Azarbaijan waxay jahwareer ku reebtay dadkii maalgashan lahaa Turkiga, sida ay sheegayaan dadka ka faalooda ganacisga gobolka.


"Xiisadda ka dhex taagan Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa loo aaneyn karaa hoos u dhaca ku yimid qiimaha lacagta Lira ee Turkiga" waxaa sidaas yiri ganacsade u dhashay Turkiga oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.


Piotr Matys, oo ah falanqeeya ka tirsan bangiga Rabobank ayaa sheegayaa in uu jiro walaac ah in haddii doorashada Mareykanka uu ku guuleysto Joe Biden "Inay ka dhigan tahay in Turkiga uu kusoo rogi doono cunaqabateyn xooggan taas oo ka dhalan karta iibsashada Turkiga ee gantaallada lidka diyaaradaha ee uu Ruushka kasoo iibsanayo kuwaas oo la yiraahdo S-400" iyo in 'Suuqa uu waalac ku reebay xiriirka sii xumaaya ee Turkiga iyo Faransiiska"


Lacagta Lira ayaa boqolkiiba 26 hoos u dhacday sanadkan, waxaa lagu soo warramayaa in saraakiisha Turkiga ay adeegsadeen 134 balyan oo doolar 18-kii bilood ee lasoo dhaafay si loo xoojiyo lacagta.


Muranka ka dhashay hubka

23-dii bishan Oktoobar wuxuu madaxweyne Erdogan shaaciyay in Turkiga uu tijaabiyay hubka muranka badan dhaliyay ee S-400, Axaddii wuxuu ka jawaabay dhaleeceenta Mareykanka ee ku aadan hubka Turkiga uu kasoo iibsaday Ruushka, "Ma garan kartid cidda aad la macaamileysid, horey u wad cunaqabateyntaada" ayuu yiri Erdogan.


Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka waxay ka digtay "Cawaaqib xumada ka dhalanta ee ku wajahan amniga Mareykanka waa haddii Turkiga uu howlgeliyo hubkaas"


Midowga Yurub ayaa ah saaxibka ugu weyn ee uu leeyahay Turkiga balse bishan hogaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa ka digay howlaha shidaal baarista ee uu Turkiga ka wado bariga badda Mediterranean-ka.


Bayaan kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay sidatan "EU waxay ka xuntahay ficilada dandaansiga ah ee aan loo dhaneyn ee uu Turkiga ka wado bariga badda Mediterranean-ka oo ay kamid yihiin shidaal baarista uu dhawaan ka bilaabay halkaas"


Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa dhaleeceeyay howlaha uu Turkiga ka wado halkaas, Axaddii madaxweyne Erdogan wuxuu ku eedeeyay Macron in uu si xun ula dhaqmayo muslimiinta Faransiiska ku nool isla markaana wuxuu ugu baaqay dalalka Carabta inay qaadacaan badeecadaha uu soo saaro Faransiiska.

 

Dhaqaalaha Turkiga waxaa si weyn u saameeyay cudurka Covid-19, kiisaska laga diiwaan geliyo dalkaas waxay maalin kasta ku dhaw yihiin 1,000.

 

Go'aanka bangiga dhexe ee Turkiga uu ku hakiyay heerka lacagaha dulsaarka waxaa looga gollahaa in muddo kooban lagu xoojiyo kobaca dhaqaalaha, sida uu sheegay Enis Senerdem oo ka tirsan BBC-da laanta la hadasha Turkiga.

 

Balse madaxweyne Erdogan ayaa si weyn uga soo horjeedaa lacagaha dulsaarka ee xad dhaafka ah halka dad badan oo u dhashay Turkiga ay rumeysan yihiin in madaxweynaha uu saameyn xooggan ku leeyahay bangiga dhexe, sida uu sheegayo Enis Senerdem.

 

BBC

Loading...
Loading...