Trump Oo Ay Caqabad Uga Timid Dacwad Kufsi Iyo Sumcad Dil Ah Oo Lagu Soo Oogay

0
Wednesday October 28, 2020 - 08:45:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump Oo Ay Caqabad Uga Timid Dacwad Kufsi Iyo Sumcad Dil Ah Oo Lagu Soo Oogay

    "Markii uu Donald Trump igu tilmaamay qof been badan oo uusan weligii la kulmin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Markii uu Donald Trump igu tilmaamay qof been badan oo uusan weligii la kulmin"

Garsoore heer Federaal ah ayaa diiday dedaal ay Waaxda Cadaallada ee Maraykanka ku doonaysay inay Madaxweyne Donald Trump uga difaacdo kiis ay gudbisay haweeney ku eedaysay inuu kufsaday.



E Jean Carroll oo maqaallo u qorta wargeys ayaa ku eedaysay Trump inuu ku fara-xumeeyay dukaan ku yaal Manhattan sanadihii sagaashameeyadii.


Waxa ay dacwadeeda ku sheegtay in Madaxweynaha uu sumcad dil ku sameeyay markii uu beeniyay sheegashadeeda isla markaana uu ku tilmaamay mid been badan.


Waaxda Cadaallada ayaa doonaysay inay maxkamadda hortagto halkii looga yeeri lahaa Trump, iyadoo soo xigatay sharci dadka u shaqeeya dowladda Federaalka ka difaacaya in lagu dacweeyo falalka la xiriira shaqadooda qaran. Waaxda ayaa ku dooday in Trump uu Madaxweyne ahaa marka uu beeniyay sheegashada haweeneydaas.


Go'aanka Garsooraha

Xaakim Lewis Kaplan oo ka tirsan maxkamadda Manhattan ayaa ku dooday in Madaxweynaha Maraykanka uusan "shaqaale" ahayn marka la raaco micnaha sharcigaas.


Dadka dhaliila Trump ayaa sheegay in inta uu xukunka hayay uu farageliyay Waaxda Cadaallada, taasoo ah hay'ad ka madaxbannaan Aqalka Cad.


Kiiskan kufsiga ah ayaa November 2019 dacwaddiisa loo gudbiyay maxkamad ku taal New York, waxaana xilligaas Trump ku metalay qareenkiisa gaarka ah Marc Kasowitz.


Waaxda Cadaallada ayaa kiiska u gudbisay maxkamad heer Federaal ah, taasoo horseedaysa in Ms Carroll ay dacwadda ku oogto Qaranka Maraykanka ee aanay beegsan Trump.


Khubarada ayaa sheegaya in Waaxda ay tallaabadaasi uga gol lahayd in kiiska uu halkaa ku xirmo, maadaama aan Dowladda Federaalka lagu dacweyn karin sumcad dil.

Go'aanka xaakim Kaplan ayaa ka dhigan in dacwaddii hore ay sii socon karto.


Madaxwweyne Trump ayaa hadda ku mashquulsan ololaha doorashada dhacaysa horraanta November ee uu kula loolamayo Joe Biden.


Falcelinta E Jean Carroll

Ms Carroll ayaa sheegtay inay ku faraxday go'aanka maxkamadda. "Markii uu Donald Trump igu tilmaamay qof been badan oo uusan weligii la kulmin, uma uusan hadleyn Maraykanka. Waan ku faraxsanahay in Xaakim Kaplan uu garawsaday xaqiiqdaas," ayay tiri.


Qareenkeeda ayaa sheegay in hadda ay kiiska ka sii wadi doonaan maxkamadda heer Federaal.


Maxay E Jean Carroll ku haysataa Trump?

Waxa ay sheegtay in Trump ay ku kulmeen dukaanka Bergdorf Goodman ee bartamaha Manhattan dabayaaqadii 1995 ama horraantii 1996, xilli ay halkaa ka wada dukaamaysanayeen.


Trump ayay sheegtay inuu ka codsaday inay talo ka siiso dharka khafiifka ah ee ay haweenku xirtaan oo uu u iibin rabay haweeney kale, isla markaana uu si kaftan ah uga codsaday inay isku fiiriso dharka.


Waxa ay intaa raacisay in markii ay gashay qolka dharka la isaga bedalo uu Trump xoog ugu soo galay, isla markaana si oggolaansho la'aan ah u fara-xumeeyay.

Ms Carroll ayaa ku dooday inay iska fujisay kadib rafasho badan.


Trump iyo Ms Carroll ayaa da' 50-aad ahaa xilligaasi, waxaana uu qabay Marla Maples.

Madaxweynaha ayaa dhowr jeer fagaarayaal ka beeniyay sheegashada haweeneydaas, waxaana mar uu yiri "nooceyga ma aha."

 

BBC

 

Loading...
Loading...