Faallo:-Sharciga Qamar Suugaani Qabtay, Miyuu qaban waayay Maxamed Cumar Carte?

0
Tuesday October 27, 2020 - 19:22:48 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Sharciga Qamar Suugaani Qabtay, Miyuu qaban waayay Maxamed Cumar Carte?

    Faallo:-Sharciga Qamar Suugaani Qabtay, Miyuu qaban waayay Maxamed Cumar Carte?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo:-Sharciga Qamar Suugaani Qabtay, Miyuu qaban waayay Maxamed Cumar Carte?

Hargeisa(HWN):-Xafiiltankii ugu sarreeyay ee xagga siyaasadda Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu figta ugu sarraysa gaadhay sannadkii 2000, markaas oo uu geba-gebo ku dhawaa shirkii Carta ee lagu doortay Cabdiqaasin Salaad Xasan. Waxaanna ay isla wakhtigaas ay Goleyaasha xeer-dejintu ay Ansixiyeen Qaraar fasaxaaya in gudaha la dhigo dadka Somaliland ee la fal-gala Soomaaliya, hase-yeeshee waxa dhacda in la Xidho dad aan siyaasad ka qayb-gelin oo arrimo dhinaca bulshadda ah u taga sida Fanka oo kale.



Waxa marar badan laga hadlay in Sharciga iyo Qawaaniinta u dejisan Somaliland aan haba yarraatee loo sinnayn, isla markaanna dadka qaarna uu Sharcigu qabto marka ay ku kacaan xadgudub miisaankuu doono ha yeeshee, kuwo kalenna aad arkayso iyagoo ku jira xadgudubyo waa wayn oo ka dhan ah jiritaanka iyo madax-bannaanida Somaliland, haddana Sharci qabanayaa iyo cid ku qaadaysa toonna aannad arkay. Sababtu waxa kale maaha waa dawlad la'aan, waayo waxa aynu sheeganayno ayaan run innaga ahayn, haddii ay dhab innaga tahay xaqiijinta iyo hirgelinta dal iyo dad madax-banaan oo wixii ay samaysteen ee Sharciya ilaaliya oo si isku mid ah loogu qaaddo ruuxii gef ama xad-gudub ku kaca. Siddeedaba ummaddu haddii ay Caddaalad waydo jiritaankeeddu wuu baaba'aa, manna jiri karto oo Caddaalada iyo ilaalinta Qawaaniinta ummaddi dhigato waa shayga kaliya ee isku hayn karra Ummadda Somaliland,haddase taasi ma muuqato, balse Illaahay farajkiisu markasta wuu furan yahay.
Qamar Suugaani Officiall - Home | Facebook

Isniintii Shalay oo taariikhdu ahayd 26-kii 10,2020 waxa magaalada Berbera lagu xidhay Fanaanka Qamar Suugaani oo ka soo laabtay Bandhig fanneed uu kaga qayb-galay magaaladda Muqdisho ee xarunta dawladda Federaalka Soomaaliya. Fanaankani arrin siyaasaddeed uma tagin Xamar, xilna uma doonan Xamar, Xilna kamuu soo qaaddan Xamar, Somalilandna Xil kalamuu tagin ee waxa uu ahaa Heesaa caaddiya oo Shucuubta afka Soomaaliga ku hadasha u heesi jirey, waxaanna lagu Xidhay oo danbi looga dhigay Muqdisho ayaad tagtay oo aad ka soo laabatay! Haddaad aragto meel aan Caddaaladi jirin laguma tilmaami karro dal, waayo dalka laguu sheegayaa waa meel ay ka jirto Caddaalad iyo Sannaan ummadda oo dhan ah, oo ruuxna aannu Qawaaniinta dalkaas u yaalla ka waynayn.

Haddaba, iswaydiintu waxay tahay maxaa loo Xidhi waayay Ra'iisul-wasaarre xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib, isla markaanna ah Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee Soomaaliya oo toddobaadkii hore uun Booqasho ugu yimid Aabihii oo Xanuun u jiifa mid ka mida Cusbitaallada magaalada Hargeisa.?

Maxay tahay sababta Sharciga dalka loogu qaaddi waayay Xildhibaan Maxamed Cumar Carte oo ilaa imika aan lahayn meel uu kaga tanaasulay Mabda'ii Soomaali-weyn ee uu aaminsannaa? Sidoo kalenna aan iska Casilin Kursigii golaha shacabka ee Soomaaliya, muxuuse kaga duwan yahay Siyaasiyiintii iyo Madax-dhaqmeedkii Soomaaliya tagi jirey ee markay soo laabtaanna la xidhi jirey. Mise waxa uu isku halaynayaa Inaadeerkii Muuse Biixi oo dalkii iyo Sharcigiiba sidduu doono ka yeellaaya.! Haddii maanta somaliland ay Caddaaladi ka jiri lahayd Fanaankaas yar lama xidheenne waxa xabsiga la dhigi lahaa Xildhibaan Maxamed Cumar Carte oo horenna u soo qabtay Xilka Ra'iisul-wasaarre ku-xigeenka Soomaaliya.

Dadka u dhashay Somaliland ee loo Xidhay inay ku milmeen siyaasadda Soomaaliya waxa ugu horreeyay Eebbe ha u naxariisto’e Garaad Abshir Saalax (Garaadkii Beelaha Dhulbahante/Barkad) oo 2000 Berbera lagu xidhay. Garaadka waxa lagu xukumay sida aan filayo lix sanno oo xadhig ah, waxa se lagu sii daayay cafis madaxweyne.

Waxa ku xigay Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir oo Hargeysa lagu xidhay isla sannadkaas, waxaanna 11kii Nofember sannadkii 2000 Hargeysa ka dhacay bannaan-bax lagu diiddanaa xadhiga Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir.

Arrimahaas waxa laba jeer gudaha loo dhigay Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi, waxaana lagu riday xukunno kala geddisan oo aanu dhammaysan. Sannadihii 2008-da iyo 2013-ka ayay ahayd.

Dadka kale ee arrimaha Soomaaliya loogu xidhay Hargeysa waxa ka mid ahaa Abwaan Cabdirisaaq Axmed Geeddi (Aakhiro) hilaad ku siman 2015kii ayay ahayd. Iyada oo aan la xukumin ayaa la sii daayay. Fannaanka caanka ah ee Farxaan Xiddig ayaa isna Hargeysa lagu xidhay, waana la sii daayay.

Waxaad ogtahay oo aynu ka wada dheregsannahay in Saddexdii sano ee ugu danbeeyay Somaliland lagu xidhay Dhalinyarro isugu jira Wiilal iyo Gabdho oo bandhig fanneedyo ku soo dhigeen magaalada Muqdisho, kadib soo laabashooddii Xabsiga lagu guray. Dhalinyaraddaas waxa ka mid ahaa Nimcaan Hillaac, waxa ka mid ahaa Fannaanadda caanka ah ee Barwaaqo Qalanjo iyo Fannaanka Saalax Carab, dhammaan dhalinyaraddaas waxa danbi looga dhigay Xamar baad tagteen. Sow abuur culus maaha!

Waxa aynu xasuusannahay in gudaha la dhigay Suxufi/Samafale Cabdimaalig Muuse Coldoon sannadkii 2017ka, waxaana lagu riday xukun maxkamadeed. Afar ka tirsan Fannaaniinta Xiddigaha Geeska ayaa iyagana gudaha loo dhigay.

Niciima Axmed Colaad (Niciima Qorane) waxa ay muddo saddex bilood ku dhaw ayay u xidhnayd 2018kii, waxaana lagu riday xukun maxkamaded. 2019kii waxa Hargeya lagu xidhay Cabdiraxmaan Aar oo ahaa gudddoomiyaha ururka cidhibtirka qabyaaladda ee CIWAAQ waxaana la sii daayay muddo kaddib, isaga oo tegay Muqdisho, halkaas waxa ku qaabbilay Madaxweyne Farmaajo. Cabdiqani Yaasiin Maxamed oo ahaa Xoghayaha Raiisalwasaare xigeenka Soomaaliya ayaa isna gudaha la dhigay 2019kii, mar uu soo booqday qoyskiisa, waana la mustaafuriyay.

Si kastaba ha ahaatee, Sharciga iyo Qawaaniinta ka jira Somaliland maaha kuwo loo siman yahay, waxaanna u marag ah sida uu Hargeisa dhexdeedda ugu tamashleynaayo Xildhibaan Maxamed Cumar Carte Qaalib, halka Faniinkii yarraa ee Bandhig fanneedka u tagay Xamarna uu Xabsiga ku jiro, iyaddoo uu kii Xilalka ka soo qabtayna imikanna Soomaaliya Xilka u hayaana uu si caadiya Hargeisa u joogo, waxaanna labaddaas ruux lagu kala faddilay wax kale maahee midna reerkoodda ayaa dalka haysta, midna reerkoodda ayaa mucaarid ah oo dalka xaq-ba kuma laha sida uu aaminsan yahay Muuse Biixi.

Loading...
Loading...