Hadday Ethiopia Ciidamo Bad Samaysato Somaliland Cuno Qabatayn Baa Ku Imanaysa.

0
Tuesday October 27, 2020 - 18:11:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 901
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadday Ethiopia Ciidamo Bad Samaysato Somaliland Cuno Qabatayn Baa Ku Imanaysa.

    W/Q: M BASHE

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: M BASHE
Somalida mushaakilaadka haystaa badi qofka Somaliga ah bay kasoo fulayaan yaan cid kale iyo Male awaal dadka lagu wareerin. Waxay dunidu wada ogay in ilbaxnimadu, saqaafadda iyo xadaaraddu ka timaado magaalo iyo meel Binu Adam degay kama timaado weligeed reer guuraa iyo dad u nool sidii Adam iyo Xawa u noolaayeen bilihii u horeeyey markii Jannada laga soo saaray.
 


Tusaale Xaqiiqa ah haddaan idin horkeeno oo ku saabsan Xaddaaradda, Saqaafadda, Ilbaxnimada Nidaamka iyo SOMALIDA sida ay u kulmeen waxaa weeye horta  Ilbaxnimada  inta yaree horta dhulalka Somalida taal may baan doonan oo soo helin oo horuumarin ee Ilbaxnimadu inagoo boqol kiiba boqol reer  miyi ah bay inoo timi  markaa UMMADDA reer Magaalada ah EE deggan baa xaddaarada dunida jira sameeyey kuwa reer miyiguna Xaddaaradaa wey dumiyaan markaa SOMALIDA ninkastaa ama qof kastaa miyi buu ka yimmaaddaa markaasuu xaddaaradda iyo Nidaamka jira dumiyaa isagoo aragti reer miyi xambaarsan. Tusaale qofkastoo 50 ka weyni wuu garanayaa maalintii miyi laga keenay EE magaalo la keenay , Siyaad Barre wuu yaqaannay maalintii miyi laga keenay, Siilaanyo wuu yaqaan maalintii miyi laga keenay, Cirro wuu yaqaan maalintii miyi laga keenay, Muse Biixi wuu yaqaan maalintii miyi laga keenay, Dr Gaboose waa kii inoo sheegay in Gallaaddi iyo Wardheeer dhexdooda uu ku dhashay oo Gaalkacyo oo tuulo ah la geeyey,  anigaygan idinla hadlayaa goor casar gaabana baa baabbuurkii anigoo shan jira Berbera, Hargeysa iyo BURCO  dhexdooda miyiga ah la IGA soo kaxeeyey Sida buuggayga (Buurdhegeyste ) ku qoran ee yaal Library yada Hargeysa iyo Berbera. 


PROF GALAYD WUU YAQAANAY MAALINTII MIYI LAGA KEENAY, PROD CABDI SAMATER IYO PROF AXMED I SAMATER WEY INOO SHEEGEEN IYAGOO ADHIGA KU RAACA GABILEY DHINACEEDA Markaa ninkastoo Somaliyi  miyi buu ka yimi oo Ilbaxnimada iyo Nidaamka dawladnimo  wuu duminayaa maxaa yeelay figrad reer miyiya ayuu  ku dhaqmayaa oo ah WAARYA ADNA WAX IS TAR REERKIINANA WAX TAR taasoo mid kastoo inaga mida la QUMMAN OO LA TOOSAN laakiin ILBAXNIMADA IYO DAWLADNIMADA DUMINAYSA waana arinka SOMALIDA  Burburiyey weliba burburinaya. Wadaadada diinta dhigaa xagga Ilbaxnimada waa kuwa u DAMBEEYA WAAYO MAR WALBA CADAABUL QABRI UUN BAY DADKA UGA SHEEKEEYAAN CADDAABTA IFKA KA JIRTA DADKA UGUMA SHEEKEEYAAN IYO ILBAXNIMO BURURINTA UMMADDA LAGU HAYO AMA HAYSTA HORTOODA.


WAXAAN USOO AARAARANAAYEY ETHIOPIA INAY  SOMALIDA KA ILBAXSANTAY OO AAKHIRKANA AY WAXA SOMALI LA YIDHAA AY HOOS TEGAYAAN SOMALILAND QOLADA LABAAD HA AHAATEE.  ISBEDELKA GEESKA KA SOCDA EE ETHIOPIA IYO QARBIGU HOGAAMINAYAAN WUXUU KU QOTAMAA EE WADAA WAA ILBAXNIMO IYO XADDAARAD IYO NIDAAM MARKII LA OGAADAY INAY SOMALIDU KU DHAQMAYAAN FIKIR REERMIYINIMO AH OO REER QASAX IYO REER QUDHACA OO NIMAADKA IYO ILBAXNIMADA BURBURINAYA. WAXAY IMIKA KU SOCDAAN XAGGA BADDA SOMALIDA TA SOMALILAND HA U HORAYSEE DABADEED CIIDAMADA BADDA EE ETHIOPA WAA KUWA LOOGU TALA GALAY INAY TALADA SOMALILAND LA WADAAGAAN MARKA DAMBENA SOMALIDA KALE. WAXAA SOMALIDA LAGU QABSADAYNA WAA LA FAHMAY IN AY REER MIYI DHAR MAGAALO XIDHAY YIHIIN XADDAARADDA IYO ILBAXNIMADANA REER MIYI NIMADOODU DUMINAYSO FIKIRKOODA REER MIYIGA AHI.


 Tijaarta reer SOMALILAND ee badeecadda, RAASHINKA iyo petrolka keenta maalinta ciidanada Badda ay ee Ethiopia Berbera  iyo Saylac yimmaaddaan maalinta Isbedelka geeska ayaa taabanaya wax weyn baana isbedelaya.

M BASHE
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...