Xukuumadda Muuse Biixi Oo Ka Hadashay Wada Shaqayntii UN-ta Ee Ay Joojisay

0
Tuesday October 27, 2020 - 16:09:45 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1930
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Muuse Biixi Oo Ka Hadashay Wada Shaqayntii UN-ta Ee Ay Joojisay

    Xukuumadda Muuse Biixi Oo Ka Hadashay Wada Shaqayntii UN-ta Ee Ay Joojisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Muuse Biixi Oo Ka Hadashay Wada Shaqayntii UN-ta Ee Ay Joojisay

Hargeisa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Maxamed Xasan Cali (Gaafaadhi), ayaa ka hadlay Warqad ay dhawaan soo saartay Wasaaraddiisu oo lagu hakinnaayay Shaqadda ay Hay'addaha UN-tu ka waddaan Somaliland ee dhinaca horumarinta.


Wasiir Gaafaadhi waxa uu sheegay in hakintaasi ay ka dhalatay, kadib markii ay Hay'adda UN-tu soo saarreen Qorshe ay ku hawl-galayaan Shanta sano ee soo socda, kaasoo uu sheegay in dhammaan-ba uu yahay Qorshe horumarinneed oo loogu talo-galay dawladda federaalka Soomaaliya, isla markaanna waxa uu meesha ka saarray inaanay somaliland qayb ka noqonayn Qorsheyaasha loogu talo-galay Soomaaliya, waxaannu sheegay in Xukuumadda Muuse Biixi ay qaadatay go'aan ka madax bannaan Qorshaha UN-ta.
Wasiirka Qorshaynta Xasan Gaafaadhi Oo Ka Hadlay Qoondada SDF Ee La Soo Bandhigay - Geeska Afrika Newspaper

"Warqaddani waxay ka soo baxday Xafiiskayga, waxaannay khusaysaa Hay'addaha UN-ta. Sida dad badani ka war hayo UN-tu waxay soo saartay Barnaamij shan sano ah oo 2025-ka ku eg, waanna Barnaamijkii ay UN-tu ku hawl-galaysay ee ay ku shaqaynaysay, waanna Barnaamij sida ka muuqata dhammaantii loogu talo-galay dawladda federaalka Soomaaliya.

Somaliland meelna kagama jirto, qorshahaas Horumarineedna meel ay kaga jirtaa ma jirto, guud ahaanna waxa uu ku salaysan yahay waa qorshaha horumarinta dawladda federaalka Soomaaliya, kaas ayaanna la rabbaa in Somaliland laga fulliyo, waxa aanu hakinayna waa kaas, markaa waannu joojinay ilaa inta laga wada-hadlaayo, waanna qorshe Somaliland cay ku ah, markaa diyaar uma nihin in qorshe noocaas ah Somaliland laga fulliyo, laakiin wixii qorshe ah ee ka horreeyay way soconnayaan oo wakhtigoodda ayay dhammaysannayaan, balse qorshahan shanta sano ah waannu hakinnay.

Bishii 8aad waxaannu soo saarnay Qorshe ah sida ay u wada shaqaynayaan Hay'addaha UN-ta iyo Xukuumaddu, taasinna halkeeddii bay taallaa, Warqaddaas waxyaabaha ku jira waxa ka mida in Khariirrada Somaliland ay tahay tii 1960-kii markii aynu Calanka qaadanay, waxa ka mida gobollada iyo degmooyinka Somaliland, waxa ka mida magaca la isticmaallaayo oo ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo Calanka.

Waxa kale oo ka mida inaanay somaliland ogollaan doonin Mashruuc aannay abuuridiisa qayb ku lahayn oo aannay saxeexin. waxa kale oo ku jirta in Mashruucu la jaan-qaaddi karro qorshaha Horumarinta Somaliland."

Wasiir Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo la waydiiyay su'aal ahayd Dhalinyarro badan oo reer Somaliland ah ayaa ka shaqaynaayay Hay'adda UN-ta, markaa haddii shaqaddii Hay'addaha la joojiyo maxaa idinka qorshaysan dhalinyaraddaas, waxaannu ku jawaabay sidan

"Waxaan ku idhi bishii 10aad ee sanadkan 2020-ka ayaynu ku jirnaa waannay soconayaan Mashruucyaddii markii hore socday ee Qorshahan cusub ee UN-ta ka horreeyay, mudadaasna waa laga wada-hadlayaa haddii la isku af-gartanna waa sax, haddii ay qorshaheenna inna qaaddan waayaanna waxaan qabaa in Somaliland horenna u jirtay imikanna jiri doonto." Ayuu yidhi Wasiir Gaafaadhi.

Loading...
Loading...