Hooyadda Dhashay Fanaanka Qamar Suugaani Oo Ka Hadashay Xadhiga Wiilkeedda

0
Tuesday October 27, 2020 - 15:09:23 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyadda Dhashay Fanaanka Qamar Suugaani Oo Ka Hadashay Xadhiga Wiilkeedda

    Hooyadda Dhashay Fanaanka Qamar Suugaani Oo Ka Hadashay Xadhiga Wiilkeedda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hooyadda Dhashay Fanaanka Qamar Suugaani Oo Ka Hadashay Xadhiga Wiilkeedda

Hargeisa(HWN):-Ciiddammada Booliska Somaliland ayaa Xabsiga u taxaabay Fannaanka wayn ee Qamar Suugaanni oo ka tirsan Fannaanta reer Hargeisa.


Fannaankan Qamar Suugaanni ayaa maalmihii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu u tagay bandhig fanneed uu halkaas ku dhiggaayay, waxaanna Ciiddammada Booliska Somaliland ay ka qabteen magaalada Berbera oo ka soo degay.


Haddaba, Hooyadda dhashay Fannaankan Kaltuun Cali Maxamed oo ka hadashay Xadhiga wiilkeedda.

"Wax dhibaato ah uma arko Xadhiga, wax uu isoo ogaysiiyayna may jirin, wax Xadhiga ah oo u yaallana maan ogayn, markaa Xalay ayaan ku war helay Xadhigiisa. Fanaankunna waa xudduud malaha oo meesha uu doono ayuu tagi karraa. Fannaankunna Itoobiya wuu tagi karraa, Jabuutinna wuu tagi karraa, Soomaaliya wuu tagi karraa wax dhibaato ah uma arko, laakiin kol haddii uu calankiisii iyo ciiddiisii soo gaadhay Illaahay baan ugu mahadinayaa."Ayay tidhi Hooyo Kaltuun Cali Maxamed

Waxaannu intaas ku dartay oo ay tidhi "Inankaygu shaqaale dawladdeed maaha, wax mushahar dawladdeed ah oo uu qaadan jireyna ma jirto, markaa isaguna waxa uu ahaa Fannaan madax bannaan oo soomaali oo dhan ayuu fannaan u yahay"

Loading...
Loading...