Saddexda Xisbi Qaran Iyo Wefti Ka Socday Beesha Caalamka Oo Kulan Yeeshay

0
Tuesday October 27, 2020 - 12:08:17 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddexda Xisbi Qaran Iyo Wefti Ka Socday Beesha Caalamka Oo Kulan Yeeshay

    Saddexda Xisbi Qaran Iyo Wefti Ka Socday Beesha Caalamka Oo Kulan Yeeshay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddexda Xisbi Qaran Iyo Wefti Ka Socday Beesha Caalamka Oo Kulan Yeeshay

Hargeisa(HWN):-Madaxda saddexda xisbi ee Somaliland WADDANI, UCID iyo Kulmiye iyo Sagaal ka mid ah wakiillada Beesha Caalamka ayaa kulan balaadhan ku yeeshay magaalada Hargeysa. Kulankan oo dhawr saacdood qaatay ayaa ka qabsoomay Hotel-ka Ambasador ee magaalada Hargeysa.



Masuuliyiinta ka socday xisbiyada Somaliland iyo weftiga balaadhan ee Beesha Caalamka ayaa si qoto dheer uga wada hadlay hannaanka qabsoomidda doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada iyo sidii loo dardar gelin lahaa tabaabulshahooda.


Kulankan ayaa sida oo kale lagu darsay sidii haweenka iyo dhallinyarada looga qayb gelin lahaa siyaasadda ugana qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka soo socda. Sida oo kale waxa lagu falanqeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa metelaadda siyaasadeed ee beelaha la hayb sooco.

Kulanka waxa xisbiga WADDANI ku metelayay Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, hoggaamiyaha xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo xoghayaha gaarka ah Mudane Cabdiqaadir Iidle.


Dhanka wakiillada Beesha Caalamka waxa ka mid ahaa safaaradaha Finland, Sweden, Germany, Denmark, Netherlands, Midawga Yurub, Xafiiska Hargeysa ee Ingiriiska iyo xubno kale.

Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qoraal uu ka hadlayo kulankii iyo arrimaha lagaga hadlay oo ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook waxa uu dhignaa sida tan:


"Waxa aanu kulan Saacado badan qaatay kula yeelanay Hotel Ambassador Wafti ballaadhan oo ka socda Beesha Caalamka oo ay metelayeen Wakiilo ka socda Safaaradaha Finland, Sweden, Germany, Denmark, Netherlands, Midowga Yurub, Xafiiska Ingiriiska ee Hargaysa iyo Xubno kale.

Waxa aanu kulankan si qoto dheer ugu lafo-gurnay Hannaanka qabsoomidda Doorashooyinka isku sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada iyo sidii loo dardargelin lahaa. 

Waxa kale oo aanu kaga arinsannay sidii Dhalinyarada iyo Haweenka looga qaybgelin lahaa Doorashooyinka foodda inagu soo haya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa metelaadda Siyaasadda ee Beelaha la hayb sooco.”

Loading...
Loading...