Sow Ma Ogid?

0
Tuesday October 27, 2020 - 09:25:04 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 653
  • (Rating 1.1/5 Stars) Total Votes: 43
  • 15 1
  • Share via Social Media

    Sow Ma Ogid?

    W/Q Cabdisalaan Ceeryaamo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Cabdisalaan Ceeryaamo

Geedka Tiinku, waa mid ka mid ah geedaha ugu faa'iidada badan dunida. Si wayn ayaa loogu iibiya suuqyada waawayn ee caalamka, waddammada qaarna, sidii ay u gurayeen oo ay dabadeed u cunayeen, buu ka dhammaaday, kolkaas bay ka dalbadaan dalalka fog fog. Geed-qodaxeedkaan, sida aadka ah uga baxa Soomaaliya, hayeeshee inta badan Soomaalidu moogtahay faa'iidooyinkiisa, ayaa la mid ah amaba ka faa'iido badan Dacarta oo isaga laftiisu ah geed kale oo Soomaalida ku dhex gaagaxay. Marka laga hadlo wax-soo-saar, Tiinka Waxaa laga sameeyaa:

1) Waxyaabaha laysku qurxiyo oo dhan, sida: Kareemmada, barafuunnada, saliidaha, saabbuunnada, Shaambooyinka, Fays-wooshta, cadarka kilkilaha, Aalkolada iyo Carfisada. Sidaas si la mid ah: Boorsooyinka jeebka, Af-gashiga ( Face-mask) Cafaayadaha, kastuummooyinka, funaanadaha, galka taleefoonnada iyo wax kale oo badan. Waxa sidoo kale laga sameeya, biyaha caagadaysan ee dheregta laysaga dejiyo.

2) Waxaa laga sameeyaa Daawooyinka ●KALASTOROOLKA

● WADNE XANUUNKA

● KELYA XANUUNKA

●SOKORTA

● XANUUN BAABI'IYAASHA

iyo kuwo kale oo badan. Geesta kale, waxaa loo cunaa cunto ahaan, isagoo sidaas oo kalena dawo u ah cudurradaas marka caadi loo cuno, waxaase looga digay hooyada ilmaha nuujinaysa iyo midda uurka leh.

 

Haayoo, geedkaan si caadi ah ayaa loo cunaa, dunidana meelaha qaar waxa uu ka yahay cuntada ugu wanaagsan ee martida lagu sooro. Maraykanka oo kale, waxa ay u far-sameeyaan si yaab leh. Sida Mallaayga gerilaha ah ayaa ay dabka ku hafiyaan, dabadeed marka ay qodaxdu ka dhammaato, ayaa ay jar-jaraan; islamarkaana, ukun ah iyo cusbo iyo alaabo kale oo carfinaya ayaa ay ku daraan, dabadeedna fara-ka-dhuuq buu noqdaa iyo wax heer-sare ah. Geedka sidaas u faa'iidada badan 2011-kii waxa aannu siinaynay--ilaa iyo haddana siinnaa--- xoolaha; halka aynu qudheennu gaajo u dhimanaynay.

 

Cabdisalaan Ceeryaamo


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...