Sheekh Shariif oo maanta ku wajahan Jowhar

0
Tuesday October 27, 2020 - 09:13:17 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Shariif oo maanta ku wajahan Jowhar

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa markii uu gaaro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa markii uu gaaro




Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Nairobi dalka Kenya ayaa waxaa Maanta ku wajahan Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

 

Warar la helayo ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu ka qeyb noqon doono sidii loo sii ambaba qaadi lahaa dadaalada lagu doonayo dhismaha Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle, xili si weyn Maanta loo adkeeyay amniga Magaalada.

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa markii uu gaaro Jowhar waxaa la filayaa in kulan uu la qaato Madaxda Hirshabeelle oo waqtiga muddo xileedku sii dhammaanaya, Guddiga soo xulista Baarlamaanka Maamulkaas iyo qeybaha kala ee Bulshada

Sheekh Shariif ayaa la ogeyn sida uu galaangal ugu yeelan karo dhismaha cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabelle, xili Magaalada Jowhar ay ka socoto howlaha lagu soo xulayo Baarlamaanka labaad ee Maamulka.

 

Dhawaan ayaa la filayaa in Jowhar ay ka dhacdo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa, maadaama shaqada ka socota Jowhar ay heer gabogabo ay mareyso.

 

Sheekh Shariif ayaa bilowday Ololihiisa Doorashada Madaxtinimada dalka Soomaaliya, waxaana Magaalada Nairobi uu kulan kula qaatay Ra’iisul Waaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, iyagoona ka wada hadlay Arrimo kala duwan.

 


Loading...
Loading...