Maxaa Ka Jira In Pogba Uu Ka Baxay Xulka Qaranka Faransiiska Ka Dib Hadalladii Macron

0
Tuesday October 27, 2020 - 08:25:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira In Pogba Uu Ka Baxay Xulka Qaranka Faransiiska Ka Dib Hadalladii Macron

    "Weerarka lagu dilay Samuel Batey, wuxuu dhacay 16-kii bishan October."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Weerarka lagu dilay Samuel Batey, wuxuu dhacay 16-kii bishan October."

Laacibka qadka dhexe uga dheela kooxda Manchester United, Paul Pogba, ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu xulka qaranka Faransiiska ka baxay ka dib hadalladdii madaxweyne Macron ee Muslimiinta ku wajahnaa.

 

Waxaa jira warar sheegaya in ciyaaryahankan caalamiga ah uu ka baxay xulka qaranka "si uu u muujiyo caradiisa ku aadan" hadalka madaxweyne Macroon ee "islaamka iyo xagjirnimada”.

 

Pogba ayaa wararkaas ku tilmaamay "been abuur”.

 

Qaar ka mid ah wargeysyada Britain ayaa qoray warar ay ku sheegeen in "Bariga Dhexe” ay ka soo xigteen oo sheegaya in Pogba uu doonayo in uu xulka qaranka Faransiiska ka tago, ka dib markii madaxweynaha dalkaas uu sheegay in uu ka hortagayo Islaamka xagjirka ah taa oo ka dhalatay weerarkii lagu dilay macallimkii ardeydiisa tusay sawir lagu sheegay Nabi Maxamed NNKH.

 

Weerarka lagu dilay Samuel Batey, wuxuu dhacay 16-kii bishan October.

 

Laacibkan u ciyaara Manchester United oo Muslimay, wuxuu bartiisa Instagram ku qoray, "Wararka beenta ah lama aqbali karo."

 

"Waan la yaabay, waan xanaaqay, waan ku wareeray, waana ka argagaxay markii qaar ka mid ah (warbaahinta) ay igu soo leexiyeen warar gebi ahaanba been ah iyo cinwaano la xiriira mowduuc xasaasi ah”, ayuu yiri.

 

BBC


Loading...
Loading...