Dhakhaatiir Belgian Ah Oo Iyagoo Qaba Fayraska Korona Loo Sheegay Inay Shaqadooda Wataan

0
Tuesday October 27, 2020 - 08:19:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhakhaatiir Belgian Ah Oo Iyagoo Qaba Fayraska Korona Loo Sheegay Inay Shaqadooda Wataan

    "Dr Philippe Devos ayaa qiray inay jirto khatarta ah in hawlwadeennada cudurka laga helay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dr Philippe Devos ayaa qiray inay jirto khatarta ah in hawlwadeennada cudurka laga helay"

Dhakhaatiirta magaalada Liège ee waddanka Belgium ayaa loo sheegay inay shaqadooda wataan xitaa haddii uu ku dhaco Fayraska Korona, xilli ay si xawli ah u kordhayaan kiisaska cusub iyo dadka uu soo ridanayo cudurka.



Ku dhawaad 25% shaqaalaha caafimaadka ee magaaladaas ayaa lagu soo warramay inay qaateen fasax kadib markii uu ku dhacay cudurka Covid-19.


Toban kamid ah cisbitaallada Liège ayaa hadda ka codsaday shaqaalaha cudurka laga helay balse aan isku arag astaamaha xanuunka inay shaqada sii wataan.


Madaxa ururka xirfadleyda caafimaadka ee Belgium ayaa BBC u sheegay in go'aankaas ay qaateen si ay burbur uga badbaadiyaan hannaanka caafimaad ee magaaladaas.


Dr Philippe Devos ayaa qiray inay jirto khatarta ah in hawlwadeennada cudurka laga helay ay u gudbin karaan bukaannada aan qabin.


Cisbitaallada ayaa dadka bukaanka ah ee xanuunada kale qaba u wareejinaya xarumo kale, maalmo uun kadib markii wasiirka caafimaadka, Frank Vandenbroucke, uu ka digay in dalkiisa uu wajahayo sunaami Fayraska ah.

Waxa uu intaa raaciyay in dowladda "aysan xakameyn karin xaaladda".


Go'aanka ay qaateen cisbitaallada Liège ayaa ku soo beegmay xilli uu Fayraska Korona ku soo laabtay inta badan Yurub.


Hay'adda caafimaadka adduunka ayaa Isniintii sheegtay in loo baahan yahay xayiraad dhanka socdaalka ah, in guryaha la joogo ama xitaa bandow dalalka oo dhan ah si looga hortago faafidda cudurka.


Talyaaniga oo uu si ba'an cudurka u saameeyay bishii March ayaa hadda dib u xiray goobaha jimicsiga, kuwa badaasha iyo tiyaatarada si hoos loogu dhigi faafitaanka Fayraska. Axadii la soo dhaafay, Talyaaniga ayaa diiwaangeliyay 21,200 oo kiisas cusub ah.


Maxaa ka socda qeybaha kale ee Yurub?

Dalka Belgium ayaa xiray goobaha jimicsiga iyo kuwa badaasha , halka dukaamadana lagu amray inay xiraan saacadda 20:00. Waxaa khasab ah in dadku ay maask xirtaan marka ay joogaan goobaha bulshada.


Faransiiskana, khubarada caafimaadka ayaa ka digay in kiisaska cusub ee Covid-19 ay maalintiiba gaari karaan 100,000 taasoo ah laba-laab tirada rasmiga ah ee xilligan.


Faransiiska ayaa dhawaan bandow habeenkii ah saaray magaalooyinka waaweyn oo ay kamid tahay Paris. Axadii, waxaa dalkaas laga diiwaangeliyay 52,000 kiis oo cusub. In ka badan 34 kun oo qof ayaa cudurka ugu dhintay Faransiiska.


Dalka Spain waxaa looga dhawaaqay xaalad degdeg ah, iyadoo bandow habeenkii ah la soo rogay.

 

BBC

Loading...
Loading...