Erdogan Oo Ku Celiyey Jawaabtii Ka Cadheysiisay Faransiiska

0
Tuesday October 27, 2020 - 08:14:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Erdogan Oo Ku Celiyey Jawaabtii Ka Cadheysiisay Faransiiska

    "Hadallada Erdogan ayaa dhaliyey in Paris ay carooto una yeertao safiirkeedii Ankara."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hadallada Erdogan ayaa dhaliyey in Paris ay carooto una yeertao safiirkeedii Ankara."

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa mar kale Axaddii ku celiyey in "maskaxda laga baaro” madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, xilli ay sii kordheyso carada ka dhalatay hadal uu ugu gefay Islaamka.

 

Macron ayaa Arbacadii cambaareeyey wax uu ugu yeeray "islaamiyiinta”, wacadna ku maray "inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH, kadib markii la gowracay Samuel Paty, oo ahaa macallin Faransiis ah oo ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebiga NNKH.

 

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii cambaareeyey Macron, isaga oo sheegay inuu u baahan in "maskaxdiisa la baaro,” sababtoo ah waxa uu "malaayiin qof oo ka kala tirsan kooxo diimeedyo kala duwan ula dhaqmaya sidan.”

 

Hadallada Erdogan ayaa dhaliyey in Paris ay carooto una yeertao safiirkeedii Ankara.

 

Madaxweynaha Turkiga ayaa ku celiyey hadalladaas Axaddii, isaga oo ku eedeeyey Macron "inuu ku waashay Erdogan maalin iyo habeen”.

 

"Macron waa kiis, sidaas darteedna wuxuu xaqiidii u baahan yahay in maskaxdiisa la hubiyo,” ayuu Erdogan ku yiri khudbad uu ka jeediyey magaalada Malatya ee gobolka Anatolia.

 

Xiriirka Macron iyo Erdogan ayaa dhowaanahan sii xumaanayey sababo la xiriira juqraafi siyaasadeedka gobolka, sida muranka badda ee Greece iyo Turkey iyo dagaalka Armenia iyo Azerbaijan.

 

BBC


Loading...
Loading...