Afhayeenka xisbiga WADDANI Oo Soo Bandhigay Duruufaha Adag Ee Haysta Dadak Reer Miyiga Ah

0
Tuesday October 27, 2020 - 00:52:30 in News by
  • Visits: 1236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka xisbiga WADDANI Oo Soo Bandhigay Duruufaha Adag Ee Haysta Dadak Reer Miyiga Ah

    Afhayeenka xisbiga WADDANI Oo Soo Bandhigay Duruufaha Adag Ee Haysta Dadak Reer Miyiga Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka xisbiga WADDANI Oo Soo Bandhigay Duruufaha Adag Ee Haysta Dadak Reer Miyiga Ah

Hargeysa(HWN):-Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mr. Barkhad Jaamac Batuun oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey arday ka qallin-jabiyey Jaamacadda Rift Valley maalintii Axadda (25 October 2020), ayaa soo bandhigay dhibaatooyinka haysta bulshada ku dhaqan degaannada miyiga iyo tuulooyinka ah ee ka baxsan magaalooyinka waaweyn ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo xusay in degaannada miyiga iyo tuulooyinku ay ka araddan yihiin dhammaanba adeegyada bulshada, waxaannu si gaar ah u xusay in adeegyada caafimaadka iyo xannaanooyinku (MCH-yadu) aanay ka jirin dhulka tuulooyinka ah, waxa kaloo uu tusaale u soo qaatay hooyo ku foolatay meel tuulo ah, laguna soo qaaday baabuurta caanaha iyo xoolaha lagu soo raro, kadibna intii dhexda lagu soo jiray uu ilmihii yaraa ku dhex dhintay uurka, hooyadii oo dhiig baxdayna xili dambe la soo gaadhsiiyey cusbitaal ku yaal Caasimadda Hargeysa.

Image may contain: 1 person, suit


Waxa kaloo uu ku dhaliilay Xukuumadda KULMIYE oo ay xubnaha Golaha Wasiiraddu wada haystaan baabuurta qaaliga ah ee loo yaqaan V8-yada, mid walbana qiimihiisu yahay qiyaas ahaan $80 kun oo doollar inay ku fashilmeen sidii degaannada tuulooyinka ah looga dhisi lahaa goobo caafimaad iyo xannaanooyin loogu adeego hooyooyinka iyo dhallaanka.


Afhayeen Barkhad oo ka hadlaya dayaca nololeed ee shacabka somaliland ku haysata deegaanada miyiga ayaa waxa uu yidhi "Wasiiradeenu mid waliba wuxu wata gaadhi qiimihiisu yahay: 80,000$ dollar.


40tan Wasiir × 80,000$= 3,200,0000 $dollar, Cisbitaal hargeysa ku yaalna waxaa la keenay maalin dhaweyd hooyo tuulo hargeysa dhinaceeda ku taal ku foolatay oo gaadhi adhi siday la soo saaray.


kuna dhiig baxday, Ilmihiina kaga dhex dhintay, Iyadiina Miyir doorsan gashay, Imisa Cisbitaal iyo imisa Iskuul ayey lacagta gawaadhida Wasiiraddu umaddeena u dhisi laheyd?


Loading...
Loading...