Maxaabiis Ka Baxsaday Jeelka Dhexe Ee Laascaanood Iyo Sababta Dhalisay

0
Tuesday October 27, 2020 - 00:31:05 in News by
  • Visits: 2199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaabiis Ka Baxsaday Jeelka Dhexe Ee Laascaanood Iyo Sababta Dhalisay

    Maxaabiis Ka Baxsaday Jeelka Dhexe Ee Laascaanood Iyo Sababta Dhalisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaabiis Ka Baxsaday Jeelka Dhexe Ee Laascaanood Iyo Sababta Dhalisay

Hargeysa(HWN):-Waxa jeelka magaalada Laascaanood laga baxay saddex maxbuus oo hore dilal geystay. Maxaabiista lala baxay oo ahaa rag boolis ah ayaa laba cisho ka hor laba nin dilay.

MAXAABIIS TIRABADAN OO KA BAXSADATAY XABSIGA MAGAALADA LAASCAANOOD - YouTube


Dilka loo haysto nimankan ayaa yimi mar ay eryanayeen rag magaalada khamri soo gelinayay sida ay ii sheegeen maamulka gobolku, halkaas oo ay ku dhinteen laba ka mid ah raggii khamriga wadey.


Rag hubaysan oo ciidanka Somaliland ka tirsan balse ay isku hayb yihiin nimanka xidhnaa ayaa maanta saldhiga kala baxay.


Taliyihii ciidanka saldhiga haystay ayaa isna galabta la xidhay iyadoo lagu eedaynayo inuu qayb ka ahaa qorshaha saldhigaga lagagala baxay askartii maxaabiista ahayd.


Ciidanka la baxay maxaabiista ayaa qorshohooda la sheegayaa inuu yahay in ay gacanta ka geliyaan nimankan beelihii ay kasoo jeedeen nimankii ay dileen si aan colaadi dhexdooda uga bilaabmin.


Loading...
Loading...