Xildhibaan Cumar Cabdi Shafad Oo Mudo Laba Bilood Ah Ku Xidhan Hargeysa Iyo Garsoorka Oo Dhinac Ka Raran

0
Tuesday October 27, 2020 - 00:23:43 in News by
  • Visits: 2410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Cumar Cabdi Shafad Oo Mudo Laba Bilood Ah Ku Xidhan Hargeysa Iyo Garsoorka Oo Dhinac Ka Raran

    Xildhibaan Cumar Cabdi Shafad Oo Mudo Laba Bilood Ah Ku Xidhan Hargeysa Iyo Garsoorka Oo Dhinac Ka Raran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Cumar Cabdi Shafad Oo Mudo Laba Bilood Ah Ku Xidhan Hargeysa Iyo Garsoorka Oo Dhinac Ka Raran

Hargeysa(HWN):-xildhibaan Cumar Cabdi Shafad oo ka mid ah mudanayaasha golaha deegaanka degmada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Hawd ayaa mudo ku laba bilood u xidhan ganacsade Aadan Cabdilaahi Xasan(Aadan Cagbilaawe).




Hooyo Aamina Xasan Nuur iyo afar ka mid ah caruur ay dhashay ayaa sidoo kale xildhibaan Shafad ku wehelinaya xadhiga uu ganacsade Aadan Cagbilaawe kula kacay iyada oo xadhigani yimid ka dib markii isku dhac koobani dhexmaray hooyada iyo caruurteeda oo isku dhinac ah iyo ganacsadaha oo ay xildhibaankana walaalo yihiin.


Isku dhacan ayaa sababay burburka muraayado gaadhi uu leeyahay ganacsade Aadan kaa oo ay gaadhsiiyeen ubadadka ay dhashay Edadii Aamina Xasan Nuur. Kuwaas oo falkan ku mutaystay xadhiga mudada soo jiitamay.


Ganacsade Aadan Cagbilaawe oo lacago laaluush ah ku maalgaliyey ciidanka booliska ayaa iyo hay’addaha garsoorka ayaa keentay in mudo ka badan laba bilood ay si sharciga baalmarsan u xidhan yihiin xildhibaan Cumar Cabdi Shafad, hooyo Aamina iyo afarta caruurta ahi.


Maxkamada Gobolka Maroodi jeex iyo Xeer ilaalinta Gobolka ayaan haba yaraatee helin Cadaymo muujinaya falalka lagu soo eedeeyay Xildhibaanka iyada oo Markhaatiyo 7 qof gaadhaya oo uu ganacsaduhu sheegay inay hayaan cadaymo ay maxkamada horteeda ka sheegeen wixii ay arkayeentaas oo keentay in aan wax danbi ah loo helin Xildhibaanka.


Garsooraha iyo xeer ilaaliyaha dacwada xildhibaanka gacanta ku haya oo loo tirinayo inay laaluush ka heleen ganacsade Aadan Cagbilaawi ayaa caadaystay inay mudo laba bilood ah kolba rumaan aan sharciga waafaqsanayn u jaraya eedaysanayaasha uu ganacsaduhu haysto.


Maalintii isniintii oo la filayey in la soo gaba gabeeyo dacwada loo haysto xildhibaan Cumar Cabdi Shafad iyo eedaysanayasha kale ayuu garsoorihii ka baxay balantii isla markaana soo oogay dacwad kale oo ganacsaduhu soo faray.


Garsooraha ayaa soo bandhigay in ganacsaduhu ku doodayo oo ah in erayo hanjabaad ahi ay kaga yimaadeen xildhibaanka, markhaatiyo sadex ah oo maxkamada la horkeenay ayaa laba ka mid ah la dhagaystay iyada oo garsooruhu mar kale rumaan sharci daro ah u diray eedaysanayaasha.


Si kastaba ha ahaatee waxa la dhawrayaa natiijada ka soo baxda dacwadan sharci darada ah ee xildhibaan Cumar Cabdi Shafad u xidhan mudada ka badan labada bilood.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...