Dabley Toogasho ku dilay Madaxii Shirkadda Amal Ee Magaaladda Kismaayo

0
Monday October 26, 2020 - 22:11:39 in News by A. Asbaro
  • Visits: 954
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dabley Toogasho ku dilay Madaxii Shirkadda Amal Ee Magaaladda Kismaayo

    Dabley Toogasho ku dilay Madaxii Shirkadda Amal Ee Magaaladda Kismaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabley Toogasho ku dilay Madaxii Shirkadda Amal Ee Magaaladda Kismaayo

Hargeisa(HWN):-Weerar galabta dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meel gaadhka ah ee Jubaland ayaa lagu dilay maamulihii xarunta shirkadda Amal ee Kismaayo Cabdullaahi Cabdisalaan Shigshigow.




Weerarka lagu dilay Cabdullaahi ayaa waxaa fuliyey rag ku hubeysnaa bastoolado, wuxuuna ka dhacay xaafadda Calanley, gaar ahaan inta u dhaxeysa shirkadda Amal iyo Masaajid uu ka soo baxay maamulaha, sida ay sheegeen goobjoogeyaal. Ragga dilka gaystay ayaa la sheegay inay ku baxsadeen gaadhi nooca raaxada ah oo ay wateen.

Ma cadda sababta loo dilay Cabdullaahi Cabdisallaam Shigshigow, mana jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan. Hase yeeshee xog aan helnay ayaa sheegeysa inuu waday mashruuc ay Amal maal-gelineyso oo goobo ganacsi lagaga hir-gelinayo Warshaddii hore ee Galleyda ee Kismaayo.

Ciiddammo ka tirsan booliska Magaalada Kismaayo ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgal aan wax natiijo ah kasoo bixin oo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas.



Loading...
Loading...