Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Safiirka Taiwan

0
Monday October 26, 2020 - 19:26:31 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Safiirka Taiwan

    Hargeisa(HWN):-Muuse Biixi ayaa Xafiiskiisa ku qaabiley safiirka safaarada Dalka Taiwan ku leedahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Muuse Biixi ayaa Xafiiskiisa ku qaabiley safiirka safaarada Dalka Taiwan ku leedahay

Hargeisa(HWN):-Muuse Biixi ayaa Xafiiskiisa ku qaabiley safiirka safaarada Dalka Taiwan ku leedahay caasimada Hargeysa, Ambassador Allen C. Lou oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka mida madaxda safaraadaasi.


Kulankaasi Waxa lagaga wada hadlay adkaynta xidhiidhka labada dal, xoojinta arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada dal.


Sidoo kale waxa lagu lafo-guray sidii dalka Taiwan uga caawin lahaa Dalka Somaliland mashaariicda biyo balaadhinta magaallooyinka siiba dhinaca qodista biyo xidheenada ama dhaamamka iyo sidii dalalka Somaliland iyo Taiwan isaga kaashan lahaayeen arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada oo dalka Taiwan uu Jamhuuriyadda Somaliland ka gacan siiyo una fudaydiyo in Ardayda Somaliland ay ka helaan dalkaasi waxbarasho bilaash ah (Scholarships).

Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka iyo dawladiisaba dedaalka ay ugu jiraan adkaynta xidhiidhka labada Dal.

Waxaana Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

Loading...
Loading...