Askarigu Dhab Hunguri Buu Ku Fadhiyaa ( Abdi-Shotaly).

0
Monday October 26, 2020 - 18:35:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Askarigu Dhab Hunguri Buu Ku Fadhiyaa ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Kob Abaara Oo Dhexe, MIyaa Koore Ila Meeray!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Kob Abaara Oo Dhexe, MIyaa Koore Ila Meeray!

Saddexdda hor boodaaya Askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" iyo adhliga daba orda, waa " Geenyo Shaaximane" Oo kala ah Cali Baqdaadi, ina Sulub, Waran-Cade, ku sii dar oo daba ka sii raaci kaa caanyadda ah ee la yidhaaho Boos Mire, oo dad iyo xoolo mid-na aan lagu tirin iyo Cawil oo hoosta kala socdda laakiin is nabaaya, ahna ka sunta u qaybiya, waa kuwii intay hantidda ummadda u shiraakoo-been, hadana ina odhan jirey Madax-weyne Riyaale, Illaah caafimaadka iyo cimriga haw dheereeyee "Dhab libaax buu ku fadhiyaa" Ilayn hungri isma qariyo, oo markay cad shilis meel ku ogaadaan, bay canka dhareerka ka daadi-yaanye, oo kuu soo milikh-sadaane,tuugu markuu ku arko adiga oo baylah ahe, oo uu ku dagi karo'e kaama baydho, Maantana waxay ina leeyihiin kuwa sare ku yaalaa ee askarigu ku adeegtaa, cad-quudheed-kana lagu siiyaa magac reerka Graxajis, weliba sii kala baxa'e, kuwa maxaan cunaa mooyee aan wax kale u taagnayn, diin kale lahayn kuwaas oo ah " Habaar Yoonis" Wuxu askarigu ku fadhiyaa, Waxa uu Cismaan Cumar Dhool ugu yeedhay "Dhab Hungri". Waayo wax kale umay gelin meesha, ka dirtay-na wax kale uma uu adeeg-sanaayo, ee waxa lagu heshiis yahay "Hungri ah boobka hantidda Ummadda.



Cali guul-wade ( waa ka aad ugu yeedhaan " Cali Baq-daadiye" Wuxu askariga uga dhisay Oodweyne Aqal uu lacagta ugu keydiyo, ilayn Oodweyne wax kale ma soo galaan aan ahayn, cashuurta laga qaado harag ay islaani sidato, lax daabaxaad ah, oo baahi qoyskii lahaa ay u soo iib geeyeen iyo dayac haysta awgeed iyo Joog caano ah, oo inta caruurtii la soo dhaafiyey, waalid-kood is yidhi wax ay gawska saaraan u soo siiya, Bay ragaas isku sheegaaya Siyaasi-yiinta ( Waa magac reer ku macaasha-yaasha'e) Aan sare ku soo carabaa-baye, uu Askarigu heshiis kula galay In aanu wax-ba u hayn, ee ay mushar-koodda ku urursa-daan, waxa ay ugu yeedheen " Baanka Oodweyne" Kala badh-na ay isaga laf-tiisa ( Waa ragii ma adigaa ka hadhaye) ay u geeyaan, Akhristaw sidaas baa la isu naas nuuji-nayaa, oo dhaca hantidda maxay-satadda ah khasabka lagaga qaado, ay ugu soo laba-dib-laysteen tuugta u ban baxday, ee maamul kasta hor roorayaa si ay uga xoog-sadaan. Ummad yahay ragga cayn-kaas ahi, waa kuwii uu adeegsan jirey Asakriga laf-tiisa, waktiggii Dagaalkii marya-aloolka, waa markhaati ma doon ah, waayo iyaku ma yaqaanaan xishood ee micnaha ay maamul walba dabadda ugu ruxaan wax kale maaha, ee waa dhaqaale ka sameeya, kuwa dadka isku rogay-na waa iyaka, abid-kood-na ka yaqaana isku dhufa-shadad Garxajis iYo Habar Jeclo.


Wax-ba yaan hadal idinku daaline, waxan ku soo af-meeray maqaalkan, Nin baa waxa laga hayaa " Ku qariyey-qariyey ee gun cad" Waxan leeyahay "Cali Guul-Wade" Malaha Askariga waxad u haystaa in uu weligii ku fadhi-yaayo kursiga'e, Wuxu yidhi abaawn Qaasim " Nin kastoo keliggii tashday, mar buu karin ka duulaaye" Ma foga ayaanta uu daaqadda kaa tuurayaa, oo aad siddii Raage Ugaas ( Illaah ha u naxartiisto'e) uu Askarigu iyo intiina daba orodaaba, aad odhan doon-taan Cali guul-wadaw " Shini kaaluf galay iyo siddii koronkor-koo oomay, ama ceel kar-kaaradda jeb-shiyo, webi karaar dhaafay, kub miyaan ka jabay, biixi aan kabayo loo haynin, kob abaara oo dhexe, miyaa koore ila meeray, maantana kataantii miyaa, layga kala tuurey, Kumbuskii miyaa layga qubay, koloyo ii buuxay" Waa kolka siddii la doono-ba la idinka yeelo, la idinka dhamaysto, ee la idinku dan-gaadho ee sidda guufka la idiin soo tuuro debedda, taas oo aan fogayn wakhtigan aynu hadda ku jirno. Tix baa waxa ku jirey, ereyo fasilaaya sidda aad tihiin, taas oo ah " Naagahaa dhankii loo rido iyo, dhinac-na diidayne, dhedig-shiin-yahaa lagu arkiyo, dhiiga caadada'e, hadaanay dhaydda caanaha lahayn, lama dhaqaajeene" Ugu dambayn dhuuni qaate, meela kama baydho, mana joog-sado ilaa uu ilkaha dhagax ku dhufto mooyaane, waana nooca aad tihiin oon biyo is marin.

* N.B Kob Abaara Oo Dhexe, MIyaa Koore Ila Meeray!

Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...