Xisbiga UCID Oo Dhaliilay Hay'adda Xakamaddaynta AIDS-ka, Farriina U Diray Muuse Biixi
Xisbiga UCID Oo Dhaliilay Hay'adda Xakamaddaynta AIDS-ka, Farriina U Diray Muuse Biixi
Hargeisa(HWN):-Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi ayaa waxa uu ka hadlay Hooyooyin ka mida Hooyooyinka la nool Xanuunka Aidska oo laga joojiyay kaalmo la siin jirey.
Xoghayaha Warfaafintu waxa uu Muuse Biixi ugu baaqay innuu meesha ka saarro Komishanka Xakamaynta iyo la dagaalanka HIV Aids-ka, kuwaasoo uu sheegay inay shaqadoodii ka gaabiyeen.
"Shirkan jaraa'id waxaan u qabtay arrin aan xalay ka seexan waayay oo aan lahaa goorma ayuu waaggu beryi doonnaa oo ah dadka la nool Xanuunka IHV Aidska, oo markii labaad cabasho ka sheegay darran ka sheegay Warbaahinta. Ruuxu markuu ka hadlaayo Koronto iyo adeegyo kale xaaladdu way dhadhowdahay, laakiin markuu ka hadlaayo Cunto iyo wixii dhuuntiisa marraayay xaaladdu way adag tahay.
28-kii Semtenper 2020 oo hadda laga joogo saddex toddobaad ayay shir qabteen, iyagoo ka hadlaaya baahi haysa, waxaannu is lahayn arrintaas wax baa laga qabanayaa, laakiin waxa nasiib-darro ah in bil kadib, ay haddana baahidii uun ka hadlaan. Haddaan anigu ahaan lahaa Madaxweyne oo aan masuuliyadda dalka ay gacantayda ku jiri lahayn waxaan kala dirri lahaa Guddidaas xakamaynta Aids-ka, waxaanna ceeb in Hay'addihii dawladdu isku tuurtuurraan dadkaas masaakiinta ah.
Madaxweynaha waxaan u soo jeeddinayaa kol haddii la isku tuurtuurraayo oo masuuliyaddiiba luntay meeshaba ka saar Hay'adda xakamaynta Aids-ka, waxaan qabaa in Hay'addaasi ku fashilantay hawshii loo igmadday ee ay mushaharka ku qaadanayeen." Ayuu yidhi Yuusuf Kayse Cabdillaahi
Loading...
Loading...