Awooddii Xagga Awoodla'aanta U Dhaqaaqday Waa Somaliland

0
Monday October 26, 2020 - 11:23:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 930
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Awooddii Xagga Awoodla'aanta U Dhaqaaqday Waa Somaliland

    W/Q: M Bashe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: M Bashe.
Hubaal SOMALILAND waxay soddonkii sano EE u DAMBEEYEY waxay u dhaqaaqday oo u socotay  xagga AWOOD laaanta marka dawladnimo, maamulnimo, iyo wadaninimo  loo kuur galo EE macnaha dawlanimo  , wadanimo  iyo maamulnimo  la qeexo. WAXAY KA DHAQAAQDAY DAWLADNIMO OO U DHAQAAQDAY LAHAANSH SHAKHSI SHAKHSI.



DAWLADNIMO maaha cashuur dad laga guro ama ciidan meel jooga ama shacab wax kala iib iibsanaya. Dawlanimadu waa  wadaninImo si buuxda qalbiga qof kasta ugaga jirta laga soo bilaabo MADAXWEYNE iyo ka neefka xoolaha miyiga ku raaciyey iyo inta u dhexeysa. Qof WALBA oo reer SOMALILAND inta xuduudahii ( British protectorate) joogaa intuu  keligii  meel FADHIISTO isagoo miyirkiisa qaba HA IS WEYDIIYO SUAAL Muhiima oo ah oo ah maanta wadanka hadduu CADAW soo weeraro  intaad wax kasta ood hayso ka  dhaqaaqdo WADANKA SOMALILAND  ma u dhimanaysaa? Hubaal waa  maya ma jirto waayo Soddonkii sano EE SOMALILAND  lagu  dhaqaaqay waxaa maamulada wadanku ka shaqaynayeen sidii  wadanka loo kala sheegan lahaa  markii  ugu horaysay ee Cabdiraxmaan Tuur heer bay maraysay kala sheegashadu waxba hoos UGU degimaayo, markii xigtay EE ina Cigaal heer bay maraysay waxba hoos ugu daadegimaayo, Markii  xigtay ee RIYAALE si amar Allah ku yimi heer bay maraysay Markii uu Siilaanyo iyo Kulmiye iyo Muse Biixi oo ku xidhiidhsan heer bay soo gaadhay ay kala sheegashadu SOMALILAND way sii laba kaclaysay. Kala sheegashadaasi horta wadaninimadii la Abuuri lahaa EE la abqaali lahaa EE WADANKu u baahnaa bay gawracday oo maanta qof qudha oo askari, shacab  shaqaale dawladeed , baayacmushtari ah wadaninimo ku jirtaa ma jiro xitaa MADAXWEYNE, qof kastaa wuxuu u ordayaa  isagu wuxuu yeelan EE carruurtiisa uga tegi lahaa dhul iyo lacag.WAXAAN ODHAN KARAA WAA NIDAAM AAN DUNIDA HORE UGA HANA QAADIN MARKAA MA SOCONAYO E ISBEDELKII BEDELI LAHAA WUU IMINAYAA. 

Kala sheegashadaa aan SHEEGAY maynu gaadhin ama uma dhowin in qof walba sidii SHUUCIYADDII DUNIDU SOO ARAGTAY WIXIISA LAGA LALA WAREEGO inkastoo musuqmaasaq baahsan aynu aragnay tobankii sano EE u dambeeyey oo hanti GUUD lagu kala tegay, dad dhulkoodii lagala wareegay oo xiliga Muse BIIXI ah way bilawdeen oon WADANKA saamayn dhammaantii oo dawladdu itaalkaa weli malaha. 


Maqaalkaygan gundhigiisa yaan loo qaadan mucaaridad Xukuumaddan joogta ah AAD iyo AAD buu uga shisheeyaa waxaanuu ka hadlayaa LABA QODOB OO QUDHA:


1- MIDI WAA WADANIYADDII OO DADKA REER SOMALILAND AH QALBIGOODA KA MASAXANTAY OO XUKUUMADAHAA HIR GELIYEY KALA SHEEGASHADA WADANKA AY ARINTAA ABUUREEN KUNA GUULAYSTEEN IN DADKU QOF WELIBA ISKII U SHAQAYSTO WAX WADANIYADANA AAN LOO BAAHNAYN- QOF WALBA ISHIISAA U MACALIMA.


2- OO KHATARTA UGU WEYN EE SOMALILAND  KU BILAABANTAY MARKAY MABDA AA QAATEEN EE KALA SHEEGASHADA WADANKA WAXAY TAHAY  WAA ISBEDELA GEESKA AFRIKA KA BILAWDAY EE ETHIOPIA HORKACAYSO LAAKIIN QARBIGA IYO YUHUUDDA SIYAASADDOODU WAXAY KA DAMCEEN GEESKA AFRIKA IYO ISBEDELKA WAXAY KA RABAAN.  isbedelka geeska  Afrika wuxuu ku soo waajahanyey SOMALILAND oo sida kililka shannaad hoos imanaya Ethiopia,  WAXAYNA u tegay markii seddexaad we dhul Somaaliyi leedahay ETHIOPIA  lagu wareejiyo. Ethiopia dagaal SOMALILAND  ku soo qaadimayso laakiin waxay  ka faaiidaysanaysaa markay ogaatay wadaniyad UMMADDA ka dhexeysaa inay baabaday kolba intii hoggaanka sheeganaysayna kolba group baa debedda la dhigayaa marka dambe group yar oo shacab ba lahayn iyo ummad wadaniyaba haysan baqasho ayaa ku abuurmaysa sida boqorada carabta oo cid ilaalisa ayey raadsanaysaa. Ethiopia xaaladaa SOMALILAND waxay ula socotaa si DAQIIQA oo way dul taagantay MAAMULKA kala SHEEGASHADA EE ka socda  , MARKA HORE CIIDAMADA BADDA AYEY KEENAYSAA XEEBTA SOMALILAND INTA BERBERA IYO SAYLAC U DHEXEYSAA , CIIDANKAA WAY KU XOOGAYNAYSAA, BADDA ISAGAA LA WAREEGAYA MARKAA WAXAA IMANAYSA MAAMULKA SOMALILAND IYO IYAGU WADANKA WEY KA WADA TALIN DOONAAN. 


RAASHINKA IYO WAXA BADDA KASOO GALA TALADIISA ETHIOPIA AYAA LA WAREEGAYSA WAXAANA QASAB NOQON DOONTA IN RAASHINKA ETHIOPIA BEERTO LAGU QASBI DOONO IN SOMALILAND  CUNTO. SOMALILAND SANAAG  IYO SOOL OO DHAMI WAXAY RAACAYAAN SOMALIA ETHIOPIA MA RABTO SOOL IYO SANAAG, LAASCAANOOD, BADHAN IYO CEERIGAABO SOMALIA AYAA XUKUMI DOONTA INTA KALE KILALKA SHANNAAD BAA WADOOYINKOODA ETHIOPIA KU XIDHAYSAA OO SHACAB KU ETHIOPIA  AYUU KA JECLAANAYAA MAAMULKA SOMALILAND EE KALA SHEEGASHADA HIRGELIYEY.


SOMALILAND SOOL IYO SANNAAG MOOYEE INTA KALE WAXAY KU DAMBAYNAYSAA KILALKA LIXAAD EE ETHIOPIA  OO BADNA YEELATAY LABA KUN OO SANO KA MAQNAYD.


M BASHE 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...