Abtirsiinta Beesha Gaadsan

0
Monday October 26, 2020 - 10:01:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 7235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abtirsiinta Beesha Gaadsan

    Gaadsan waa Ibraahim Ugaadh Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaadsan waa Ibraahim Ugaadh Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe).


Gaadsan waa Habar Jecle, oo waa Isaaq, oo waa Dir.

Gaadsan waxa la dhashey: Biyio-maal, Sanbuur iyo Awr-maal, oo waa isku ilmo Ibraahim Ugaadh.

Ibraahim waxa uu dhaley:

  1. Biyo-maal oo ah: Siciid Ibraahim
  2. Gaadsan, oo ah: Siciid Ibraahim  
  3. Sanbuur oo ah: Cabdille Ibraahim
  4. Awr-maal oo ah: Aadan Ibraahim


Beesha Aadan-madoobe, ee Maxamed Abokor, ee Habar Jecle, ee Isaaq, ee Dir, sidii dagaalkii sokeeye, ee qarnigii 19aad loogu jabiyey, ee afarta jihood loogu kala qaxiyey, ee saldanaddeedii loogu burburiyey, ee xadaaraddeedii loogu baabiiyey, ee taariikhdeedii iyo abtirsiinteedii loogu wada nasakhey, ee beesha loo kala qolo-qoleeyey ka dib, beeshu wali way kala tafaraaruqsan tahay, oo way kala lunsan tahay, oo min Jibuuti ilaa Gaarisa (Kiiniya), min Ceel-daraad (Somaliland) ilaa Nasareet (Itoobiya), ayay ku kala baahsan tahay; oo ku kala firidhsan tahay.


Sidaas darteed, Gaadsan waa Aadan-madoobihii dhinacaas Koonfureed u qaxey, ee sida Biyo-maal, Surre iyo Awr-maal u dibboodey, ee tolkii uga go’ay; ee uga go’doomey.


Gaadsan waa dagaal yahan, oo waa geesiyaal aan gabbannin, oo gaaddo-ka-ciyaarsiin leh, oo gaaddo wada san, oo naaneysta Gaadsan ku caan baxey.


Gaadsan, Biyo-maal, Surre iyo Awr-maal, waa isku wada isir, oo waa isku wada dhiig, oo waa isku wada abtirsiin, oo waa tol wada dhashey, oo waa isku wada deegaan. Sidaas darteed, waa inay is wada haybsadaan, oo wada xidhiidhaan, oo dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaan ba, waa inay iska wada kaashadaan, oo degdeg u wada midoobaan – in bi idni Allaah.


Alla ha u naxariista'e, Salaan Carabey ayaa yidhi:

¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯ ¯¯¯¯¯¯¯¯¯

Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha'e

Iyaba waa isdoontaan hadday, kala dibboodaane

Kolay deeradiyo cawsha tahay, doqoni waa liide

Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha.

 

Maxamed Sheekh Daahir
[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...