Taliye Xijaar oo Dhuusamareeb kula kulmay madaxweynaha Galmudug

0
Monday October 26, 2020 - 08:46:08 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Xijaar oo Dhuusamareeb kula kulmay madaxweynaha Galmudug

    Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug iyo Taliayah Ciidanka Booliska ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug iyo Taliayah Ciidanka Booliska ayaa




Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xafiiskiisa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi uu hoggaaminayay oo gaaray Dhuusamareeb.

 

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Taliye Xijaar iyo wafdiga saraakiisha ah ee la socday ka xog-wareystay safarkood ay ku tageen Dhuusamareeb, sidoo kale hadlay Arrimo kala duwan oo ku aadan Ciidamada Booliska.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug iyo Taliayah Ciidanka Booliska ayaa kala wada hadlay dib u habeyn lagu sameeyn doono Ciidamada Booliska ee dowlad Goboleedka Galmudug ka howlgala, waxaana kulnka Qoorqoor ku wehlinayay Saraakiil Ciidan iyo Guddoomiyaha Dhuusamareeb.

 

Taliye xijaar ayaa sheegay in Ujeedka Dhuusamareeb u tageen uu yahay mid la xiriira sahan ballaaran oo Booliska Federaalka ku samaynayo deegaanada dawlad Goboleedyada, si loo ogaado heerka diyaar garoowga sugidda amniga doorashooyinka.

 

Socdaalka Taliye Xijaar ayaa kusoo beegmaya xili todobaadkii hore Baarlamaanka Galmudug uu ansaxiyey Sharciga dhismaha Booliska Galmudug oo amniga kala wareegaya kuwa Faderaalka ee haatan maamula saldhigyada iyo baraha kale ee baraha Koontaroolada.


Loading...
Loading...